Faaleynta Buugga Col iyo Nabad W/Q Abdulle Abdi Karim

Buugga Col iyo Nabad oo ay isla qoreen qoraa sare Warsame Axmed Camale iyo Dhigiisa Beate Harant.

Buugga waa buug ka kooban qoraal lagu kabay Farshaxan.
In aad aqrisaa dhowr daqiiqo ma kugu qaadaneyso balse farriinta uu xambaarsan yahay fahamkeeda qofba waa intii uu Alle ka garansiiyo ma aha mid dadku wada fahmi karaan.

Waa farriin mug weyn oo xilli loo baahnaana joogta.

Sida aan aniga u gartay haddaan is dul taago, buugga gabigiisba waxa uu ku qotomaa dhaqanka soomaalidii gobta aheyd.

Ugu horeyn waxa uu tilmaan buuxda ka bixinayaa garnaqsiga iyo garqaadashada in ay tahay tubta caddaalada iyo nabadda loo maro, sida saxda ee caafimaadka ku jirana waa isla qirasho iyo isla garasho, hase ahaatee qoray qoray ku taag ninna guul kuma gaaro waa tan aan maanta la daalaa dhaceyno, qoraaguna uu farta ku fiiqayo.

Dhan kale haddaad ka fiiriso buugga waxa uu ku leeyahay Aayaha dhasheeniyo culumada ma dhowrnaa, war dhimanaya maxaan u dhimaneynaa in la iska warreysto sow kuma habbooneyn, waa gartiis waa wax aan wada ognahay haddana in la is baraarujiyo waa mudan biyo kama dhibcaan ah.

Mar kalana waxa uu  na barayaa caano daatayba dabadaa la qabtaa ee soomaaliyeey waqti nagama tegin weli ee xalka yaan laga raadin qoray caaraddiise iyo qeylodhaan waawareey, ee aan miiska wada hadalka isku warreysano, gar eexana waa wixii halkaa na dhigay e nafaheenna aan u caddaalad falno.

Ugu danbeyn Nuxurka buugga qoraaga waxa uu tusaale ahaan u soo qaatay afarta qeybood ee nolosha Dadka Soomaaliyeed ku tiirsaneyd waayihii samaa, haddana aad mooddo in tuugsi laga door biday.

Afarta waxa ay kala yihiin:
Qodato
Dabato
Ugaarsato
Raacato

Qoraaga waxa uu soo qaatay, labada lama huraanka ee Qodato iyo Raacato oo  uu ku halqabsaday sababtana wax kale ma aha ee labadaan uu qoraaga soo qaatay ayey ka farcamaan labada kale.

Waayo beeraleyda iyo xoolo dhaqatadaba xilliga jiilaalka daran yimaado waa ugaarsadaan waana kaluumeytaan, weliba ayagoo u baryo tego kuwii ay yasi jireen.

Labadaan dabiiciyan dabeecad ahaan ayey kala duwan yihiin waa sida biyo fadhiya iyo biyo socdo dabcan in aan sharaxo muhiim ma aha ujeedka waad garan kartaa Aalaaba beeraleyda waa Dad meel degan lehna meel loogu soo haggaago, halka Xoolaleyda ay yihiin kuwa hadba meesha naq leh u guuro.

Dhan kale buugga waxa uu farta ku fiiqayaa inuu waalidka yahay  halbeegga ubadkiisa loona baahan yahay in waalidka aysan dayicin kaalinkii waalidnimo.

Si kastaba arrinku ha ahaadee dhigganahaan waxa uu u muuqdaa buug carruureed balse waa ka gun weyn yahay nuxurka ku keydsan, waxa uu iskugu jiraa waano baraarujin iyo in wadajiku kaliya yahay meesha qof walbo daaweyso.

Allah swt waxa uu na faray oo sunada Rasuulkeenna suuban CSW ka ahaaday in isku duubnida ay tahay wadada guusha tafaraaruquna uu yahay hoog iyo halaag, sidaa darteed dhaqankeenna suuban ee ku tiirsan Diinta Islaamka waa ma huraan in aan boorka ka jafno, is walaashano cadowgeenna dibadda oo ciidda ka badan uu Sheyddaan u macalin yahayna iska yureyno.

Ugu danbeyn gacmo wadajir bay wax ku gooyaan ee ruux walboow garo Danta guud oo Dalka , Dadka iyo Diinta u adeeg.

Wa Billaahi Towfiiq

SHEEKOOYIN