Diidmadii Oday Diiriye W/Q : Maxamed Maxamud

Oday Diiriye muxuu u diiday lacagta?
Waxa jiray wiil aabihii ka dhaxlay hanti badan. Waxa la odhan jiray Geedi. Waxa uu ganacsigii iyo tacabkii aabihii u waday si wacan ilaa uu noqday ninka ugu taajirsan reerkiisa. Dad badan oo sabool ah, ahna jufadiisa, waxa ay odhan jireen: “Geedi wuu ina gacan qaban doonaa oo sidii aabihii ayuu deeqsi gacan furan ahaan doonaa.” Balse Geedi ma uu noqon sidii laga naawilayey. Si kasta oo uu hanti badan u leeyahay, haddana waxa uu noqday bakhayl gacantii go’daya; dhalinyarada ma taageerin, kaalmaha bulshada kama war qabin, deegaankiisa oo beeralay ahna hoos uma eegin, heer dadka buka xataa aan loogu baryo tagin dawadooda.
Wax waayaha iyo waqtigu is guraba, geedina xoolihiisu wax ku kordha mooyee waxba hoos uga dhicin, ayaa maalin maalmaha ka mid ah kaligii uu damcay in uu tuulo dhow oo beeshisa ah ku soo casariyeeyo. Balse markan waa da’ maararaw iyo deganaan ka raadinaya, ma ku jirto wax qabad uu dadkiisa u la tagayo oo sidii ayuu wali uga aradanyahay wax bixinta.
In doora markii uu sii socday ayuu ka leexday jidkii waynaa ee magaalooyinka isku xidhayay oo uu maray wadiiqo yar oo tuulada tagaysay. Cabbaar markii uu sii socday ayaa si kadis ah uu arkay in gaadhigiisa uu dhex galay dhoobo ay adagtahay in gaadhigu si fudud uga baxo. Wuu la daala dhacay oo si kasta ayuu iskugu dayay in uu ka saaro balse uma ay suurtagelin. Qaylo-dhaan ayuu diray balse magaaladii ma dhowa, saacado ayay uga iman karaan magaalada cidii uu kala hadlay.
Waxa uu arkay dadka tuulada oo u soo socda si ay u caawiyaan. Wuu farxay Oday Geedi markaasuu sheekooyin is dhexdhigay, farxadda iyo dhoolla-caddaynta waad yaabta. Balse ragga caawinaya lama hadlayaan oo ahmiyad ma siinayaan hadaladan uu dareerinayo Geedi. Markii ay ka saareen ayuu wiilashii mid mid u waydiinayaa: “Ina ayo ayaad tahay?” Waxa dadka dheerahayba waa wiilasha aan adeerka u ahay. “Yaa idiin sheegay in meesha aan ku cadilmay?” Waa weedhaha uu ku dhawaaqayo Geedi.
Mid ka mid ah inamadii caawiyay ayaa yidhi: “Waxa noo kaa soo diray Oday Diiriye,” waana oday waayeel ah, ahna nin xikmad iyo garasho Alle ku mannaystay, dadka tuuladuna warkiisa ku hadaaqo.
Oday Geedi waxa uu u dhaqaaqay dhanka geedkii uu hoos hadhsanayay Oday Diiriye si uu ugu mahadceliyo sida uu u caawiyay ee uu dhalinyarada u gargaartay ugu soo diray. Waxoogaa lacagana waa uu la soo baxay oo abaalgud ah.
Salaan iyo is-xaal waraysi ka dib waxa uu bilaabay Oday Geedi mahadcelin. Halka Oday Diiriye ugu halceliyay in wanaagu ka dhexeeyo oo la isku taageero, tahayna wax laysku leeyahay, oo maalin bawdyo rag midi qaawantahay. Abaalgudka iyo bini’aadamnimadu tahay wax meesha taal.
Oday Geedi markii uu damcay in uu gudoonsiiyo bushqaddii uu lacagta ku riday ayuu arkay Oday Diiriye oo diidaya in uu ka qaato lacagta. Geedi isaga oo ka yaaban, isaga oo lacag laga baryaya mooyee iyada oo laga diidayo aanu arag, ayuu waydiiyay: “Diiriyow, maxaad lacagtan ku diidaysaa?”
Diiriye oo gudaha ka qoslayay, noqotayna sidii uu rabay, ayaa ugu jawaabay xikmadiisii looga bartay. Waxa uu yidhi:
“Geediyow, aniga oo labaatan jir ah ayaan diiday in qalbiga iga wasakhayso lacag. Qiimaynteeda iyo urursigeedana ma hawaysanba. Nimco iga maqan ma jirto oo geelaygii waa kaa cayn taa daaqaya. Dadna wax aan dhalay iska daaye, tuuladaba jiheeyahaheedu waa aniga. Kuu faani maayo, balse waxa aan raba in aan kuu sheego dardaaran. Cadceed sii dhacaysa ayaan ahaye. Wixii aad tabcatay baad tahay, warkaagana cadaan iyo madowba waan hayaa. Laakiin dad baa ugu wacan wax la beerto. Lacag iyo adduun culayskooga waadigii gaadhiga ka dajiyay si aad gaadhiga dhoobada uga saarto. Haday faa’ido leedahay. Ee waliga gacan adayg iska ilaali, oo reerka barbar istaag, hadday caafimaad iyo waxbarashaba tahay, oo gacan qabo cidii taagdaran. Dad iyo duunyo haddaad hesho, wax kaa maqan ma jirto.”
Oday Geedi waxa uu maalinkaas bartay cashar qaali ah oo uuna nasiib u yeelan 60 sanno oo uu jirayba cid barta, isaga oo markhaatina ka ahaa awoodda dadka in ay ka macno wayn tahay, kana qaalisan tahay duunyadii uu muddada dheer tabcanayay.

SHEEKOOYIN