Deriskii Silloonaa

Deriskii Silloonaa Q-2aad
Xaamuud markii  uu walaalkii Jeyte u cowday, una Dan sheegtay, ayaa Jeyte waxa uu is a u shèegay in ay jirto hawl uu maagan yahay oo inuu hayo qarash kooban oo uu ugu talo galay  inuu Beer ku fasho oo uu rabo dhul kayn ah inuu ood qaado  beerna ka bilaabo uuna rabo inuu shaqaalaha beertàas ku bixiyo , Qarashkàasina uusan labadooda u qaybsamin.
Xaamuud ayaa dhahay, Ka warran haddaan hawshaas anigu qabto qarashkana sidaa ku Helo, Jeyte oo yaqàan walaalkii Xàamuud hawlkarnimadiisa ayaa yiri, Misbaax minankàagu u baahan yahay minan dadoow looma daaro, ee waa sidaa àad u sheegtay hawsha labadeena galayna ee Soo diyàar garoow .
Xaamuudna waa gacan qaadey, waxaanna loo balamay in Beriba la hawl galo
Jeyte markii uu arkay walaalkii Xaamuud xaaladda uu ku sugan yahay ayuu yiri: Waa tan lacagtii  oo dantaada ku oofso berina aniga iyo adiga ayaa wada galeyna meel ay tabar na geysaba ee warsan, waa tii la yiri: Walaalo is garabsada waa guulleystaan walaalo is dilana waa xabaalo badiyaan warsan ayaa lagu kala tegay.
Xaamuud oo aad u faraxsan ayaa gurigiisa ku laabtay waxa uuna soo kaxeeyay xaaskiisii Kaafiso asaga oo aan u sheegin halka uu u wado waxa ay yimaadeen suuqa Dahabka kolkaa ayuu ku yiri: Xaajiyo Soo qabso wixii dahab ah oo ku cajab geliya, Kaafiso ilmo ayaa si ogaal la’aan ah indhaheeda u soo dhaafeen waxa ay ku tiri: Xaajigeeda Maya maya horta ina kici aan faqnee.
Markii ay gooni u baxeen bay ku tiri: Xaamuudow ogi in aan awoodin dhaqaalaha intaa la eg waxa kale oo aan ogahay in aad qancinteyda awgeed aad Deyn hore u gashay haddana aad mid tii hore ka sii badan galeyso  haddaan Dahabka qaato waaba ku cadaab mudanayaa ma doonayo caadifad codsigeygiina waan ka tanaasulay ee inaga kaxee halkaan xoolahana qofkii aad ka soo qaadday u celi.
Xaamuud aad ayuu ugu farxay garashada Toolmoon ee xaaskiisa waxa uuna ku qanciyay in ay dahabka qaadato kuna faraxsan  dhib walba uu ka muto bixinta qaantaa, waxa kale uu u sheegay xaaskiisa Kaafiso in farxaddiisa iyo farxaddeeda isku xiran yihiin Dahabkana uu yahay Hanti ma guurto oo u taal sidii ayeyna dahabkii ku qaateen oo gurigooda u aadeen.
Xaamuud tacab ayaa u go’an sidii balanta aheyd asaga iyo walaalkii Jeyte waxa ay bilaabeen in ay geed qaadaan dhulkii dihnaa.
Sideedana markii dhul la ood-qaadayo ama la geed qaadayo waa in dhirta la jirid siibo deedna halkaa laga sii unko Ood-saar.
Oodqaadku waa yagleel dhul duur ah oo kayn ah in inta dhirta sare la jaro geed gaabka laga guro, Caws, cayo iyo yamaarugba dhulka la baneeyo, dhirtii la jaray lama tuuro ee dib ayaa loogu oodaa oo loogu dayraa afarta gees ee beerta beerta lagu dayro si dad, duunyo iyo dugaagna si aysan beerta u waxyeelayn waa hawl adag oo àan nin walbàa ka bixi Karin.
Macnaha Oodsaarka waa dhirtii laga jaray ayaa beerta lagu wareejinaa oo deer looga dhigaa waxa na loo sameeyaa beerta meel laga soo galo oo afaaf ah ama wax u dhigma.
Dhanka kale Odaygii Baaxuur ahaa wiish baa ku yeeray, oo siriqdii waa u shaqeyn weyday, markaan waxa uu alifay inuu falaloow adeegsado oo reerkaan dab dhex dhiga si uu gabarta meel cidla ah uga helo.
Wax baa loo sanceeyay oo lagu yiri cuntada uga dar labadaba hayin ay kuu noqonaayaan ninkana ku shaqeyso naagtana guurso.
Baacuur  tab iyo xeel sidii uu ugu gudbin lahaa buu falkeed galay goor casir ah uu Neef qashay kolkaa buu dabka ku shubay hilbihii marki uu bisleeyay buu derisyadiisa u qeybiyay Reer Xaamuud iyaga waaba qasadka neefka loo qalay wixii baas baa loo dhex raaciyay.
Kaafiso waa ka guddoontay xilliga uu ku aaddiyayna waa waqtiigii uu Xaamuud oo gaajeysan soo hoyan lahaa si uu laba canleeyo asaga oo aan su’aal gelin.
Hase ahaatee Kaafiso wixii loo keenay meel bay dhigtay oo wixii ay odaygeeda ugu talo gashay bay ku soortay deedna waxa ay u sheegtay ninkii odayga ahaa inuu hilbo karsan keenay aadna ay uga shakisan tahay inuu soo sumeeyay uu rabay in aan kugu casheysiiyo ka dibna aad sidaa adduunka uga faaruqdo.
Xaamuud waa xanaaqay waxa uuna damcay inuu dagaal ku qaado, balse Kaafiso ayaa ku tiri: Ha degdegin jini ninkii keenaa baxsha wixii uu keenay asagaan dib u siineynaa ee waxaad yeeshaa aroorta hore guriga ka bax ee hana fogaan inta u shiilo oo i geedo geedeeyo ayaan quraac uga dhigaa deedna aan aragno wixii dhaca.
Waa tii la yiri: Tashi habeen kallahaad arooryo ayuu leeyahay intaa waaga baryin ayuu Xaamuud jidka laba ka dhigay sidii balanta aheyd oday Baaxuurna u caado aheyd inuu salaan la soo kallaho iyo dulmi Dumis reer dhisan war uu ku farxo kii uu u jeclaa inuu maqlo ay dhagihiisa ku shubtay Kaafiso oo waxa ay tiri deris fiican ma tihid, xalay wax aan ka fileyn baa dhacay oo ninkeyga waa ii gacan qaaday haddana inuu i furi doono ayuu ii sheegay ee bal soo fariiso oo shaah cab oo quraaco isma huri doonee.
Asaga oo aan ka shakin ayuu cunay quraacdi wax yar ka dib waxa uu bilaabay inuu xaaskeyga waa iga furan tahay dhaho ee maxaan kuu qabtaa? Tan nolosheyda dhan ha iiga fogaato iyo wax la mid ah, hadda ogoow xaas ma laha weligiina qabiltu ma dhihin.
Kaafiso waa gabar caqli badan waa garatay godkii uu u qodaayay inuu asaga ku dhacay waxa ay ku tiri: Bax adiga shaqaalahaaga beerta Jeyte soo geed qaada .
Baacuur  war kama soo celin, orod buu isku daayay oo boqolaal shaqaale soo kiciyay oo todobaad gudihii ay ku diyaariyeen oo lagu abuuray Xaamuud sidii buu ku deyn baxay.
Oday baaxuur oo loo shaqeyn jiray waxa uu noqday shaqaalaha joogtada ee beerta jeyte Xaamuud walaalkii.
Dhowr fasal markii lagu adeegtay oo oday Baaxuur  lugihii qalqaloocdeen baa Xaamuud iyo Kaafiso dhaheen intaan ugu filan cibro qaadasho deedna waa iska eryeen, oo ninkii sixirkina laga furay.
Waa tii la yiri: God siraad ha qodin ku dhici doontidaa ma ogid, odaygaan kaliya qasadkiisa ma aheyn inuu naagta ka qaado ee waxa uu u socday inuu addoonsado siriqdiina asagaa ku dhacay lagu rogay  oo dhulku la go’ay hadda waa ceyr fara madoow waayeelnimaa u dheer , ehel ma laha.
Ugly dambeyn waxa uu ku soo aruuray inuu dawarsado, waa tii la yiri maxaa shelay ruux taajir ahaa Tuugsanaaya la arkaa, ninkaa odayga  waxaa iskugu darsamay damac iyo dooq xumo iyo baqiilnimo, inta uu waqti geliyay reerkaa dhisan inuu dulmiyo haddii uu naftiisa gelin lahaa maanta dibad yaal ma noqdeen gablan ah.
Waxa u dulmiyay naftiisa, waxa uuna helay wixii uu mudnaa, qof walba oo magri ka shaqeeya waxaa u danbeysa in uu shalaay ku danbeeyo.
Aqristoow dulucda sheekada waa in caddaaladda Eebbe laga dhuuman karin, deeqda Eebbe ku siiyana ay tahay mid laguugu intixaanayo  marnaba ay wanaagsaneyn in aad ku dulmiso uunka Eebbe damac katiirnimadana ay dadka bohol ku riddo.
Dhanka kale qisada waxa ay tilmaameysaa qoyska, Lammaanaha wada hadla in aan laga guulleysan karin shar walba oo lala maago, bal qiyaas Xaaska Xaamuud oo isku koobta waxa uu ninka deriska la maaganaa, bal qiyaas Xaamuud uu dib ka ogaada waxa dhci kara?
Abdi Karin Abdulle
Abka Xaaji Qalinweyne

SHEEKOOYIN

Gobanimo labo maaha

Talo Waayeel

DURUUF W.Q. Wiilo Daahir Xasan

BOOLI BARAKAYSAN Q.3AAD