Dabinkii Dooliga
Oday Xundubey oo suuqa ka soo dukaameystay baa xaafaddiisa la yimid Waliinjo xiran oo ka sameysan waraaqo ubaxyo lagu xardhay, waxa uuna guddoonsiiyay xaaskiisa Isniino, Maamo Isniino Farxad bay la Alalaastay sayteen Eebbaa ogoo haddaa malagiis galay.
Dooli oo sawaxankii ku soo baxay baa qooraansaday waxa loo keenay Islaantii guriga laheyd, hoos buu iska leeyahay toloow ma dahab baa mise waa lacag waxa ka farxiyay maanta, mise Xeydh buu keenay.
Duq Isniino markii ay furtay haddiyaddii farax gelisay Dooli oo goorahaanba quud dareynayay inuu arko naxdin buu dilaaci gaaray waxa meesha laga soo bixiyay waxa ay noqdeen birta Dooliga(Dabin -Dooli).
Dooli waa soo cararay si uu warkaa naxdinta leh ula wadaago ologiisa waxaana uu u yimd Diiq waxa uuna ku yiri: Waa noo dhammaatay gurigaan joogis male.
Diiqii waa uu naxay waxa uu yiri War
Maxaad ku keentay?
Waxa uu yiri Odaygii reerkaan lahaa sow kan birta dooliga keenay ma aha.
Diiqii oo qoslaya ayaa yiri: War naga tag taasi waa mid adiga kugu gooni ah, maxaa aniga iga galay.
Dooligii baa yiri: War hooy Diiqoow biyo inta ay ku soo gaarin baa la iska moosaa ee waxba ha igu digan tani haddeysan Caam aheyn la arki doonee.
Dooligii oo niyad-jabsan baa ka tagay waxa uuna u tagay Wan reerka u joogay sidii oo kale ayuu ugu jawaabay.
Dooligii ma quusan ee waxa uu u tegay Dibi reerku lahaa oo cowskiisa raamsanaya waxa uuna ku yiri warmoogoow fadhi nooma yaal waa noo dhammaatay.
Dibigii oo ka naxay masiibada uu sheegi doono ayaa ku yiri sidee wax u jiraan?
Arrinkii buu uga tibix siiyay, Dibiga kuwii horaba asagaaba ugu darnaa Dooligii buu cannaan dhagaha u saaray, waxa uuna ku yiri: Dhib mooyee wax dheef ma lihid ee lafahaaga xun xun aniga iga ceynso hal saalo kugu rido nafta xuntaa ku dhaafi.
Dooligii oo ku cataabaya, in aan wada noolaano maxey iila garan la’yihiin miyeysan arag dabinkaa inuu nafta dhaafsiin karo maxey dhimashadeyda u soo kordhin waan is ilaalin intaan awoodo.
Duq Isniino goor la hurddo ayey maqashay dhawaqa dabinkii ay dhigatay ma sugin inta geed iyo dad la kala garto ee waa is dul taagtay.
Nasiibdaro Dabinkii dooliga waxa ku dhacay Mas, maskaasoo ay birtu qabatay qeybtisa danbe , wargafashana ku jiro deedna Duq Isniino oo warmoog ah ayuu qaniinyo ku halgaaday.
Cabaadkeedii ayaa reerkii ku soo kacay inkastoo lala tacaalay xanuunka haayay waa ka tan badnaa deedna Diiqii baa loo qalay si loogu maraqeeyo.
Duq Isniino dhulyaal bay noqotay si loo nafaqeeyo haddana subaxnimadii Wankii baa loo qalay ayaamo dhowr ah ka dib Islaantii waxa ay u dhimatay Dhaawacii.
Dibigiina Firdowga iyo gogol laabkii ayaa lagu mooday.
Masiibadii uu dooliga ka digayay shelay uma muuqan kuwa maanta ku baxay.
Waxaa la yiri balaayo inta ay kaa Maqan tahay kheyrkaa bay ku Maran tahay, markii aad aragto dhibka dhinacaaga ka dhacaya ha noqon daawade ee ugu yaraan tawaawic muuji haddaad wax ka qaban kartana ka qabo, ha ku digan kheyrkaa.
Abka Xaaji Qalinweyne