War aan la qabin xiiso ayuu leeyahay waxaadna ku garan kartaa sida loogu dheg taagayo. Beri aan yaraan jiray ee aan dhiganayay dugsiga hoose dhexe ee wardhiigleey.
(Waxa ay ka mid tahay waxyeeladiii wayihii kalgacalka soo maray)
Sida caadiga ah, waxaa ku jiray hardan iyo hiigsi in aan guul ka gaaro waxbarashada markaa ayaan dabagaabkii Buluuga ahaa kasoo gudbay oo shaarka jaallaha iyo surwaalka kaakiga oo aan u xiiso qabayna waan imid,
Waxaa ii sawiran hummaag anigoo jaamacaddii dhammeeyay oo Professor ah, xaas iyo carruur leh oo degan guri weyn oo filo isku ganbis oo geed talaal weyn ku horyaal jawi aad u degan dhex mushaaxaya.
Hadda ogoow waqtigaa aan riyo maalmeedka dhex mushaaxayo waxaan u sii xeydxeydanahay oo aan u sii socdaa iskuulka waa koowdii iyo 40 daqiiqo cadceedda kuleylkeeda in lasoo dhaweeyaad mooddaa hase ahaatee saraha jidka ku teedsan hoosgalbeedkooda ayaan si indho la’aan ah ugu socdaa.
Waxaan soo hambaabiray cod waaweyn oo igu leh wiilow indhaga fur oo talaabada meesha aad dhigeyso u fiirso.
Sidii qof hurddo laga kacshay dunidii saxda aheyd iyo carruutnimadeydii ku soo laabtay waana istaagay oo talaab jale ma sii qaadin, balse qofka ila gadlayay ayaa mar kale igu yiri nin yar baad tahaye maxaa mu waalay?
Haddaan si quman u fiirshay waa nin aan bar aqaan oo maalin walbo arko ilaa iyo hadda ma aqaan gurigii uu kasoo bixi jiray balse galabkii sida yu u soo fariisto qorax dhicii ayuu ka tagaa weligeey ma arkin asagoo hadlayo ama qof kale la joogto ay sheeko wadaag yihiin.
Hadalkii uu igu yiri ee ahaa wiiloow talaabada halka aad dhigeyso u fiirso waxa uu igu dhalliyay dareen dabcan asaga waxa uu ula jeeday ha dardarin/jiirin balse aniga waxaa iiga dhex muuqday wax kale, waxaan dib u milicsaday riyomaalmeedkii aan dhex mushaaxayay inta uusan gantaalka igu ridin, waxaan wax iska weyddiiyay gaarista halka aan u dig iyo dam leeyahay iyo jidka dheer ee kasoo sokeeyo ee u baahan dadaal dheer aan kala go’ laheyn.
Waan iloobay ninka aan dul taagnahay ee mar dhow i lahaa hortaada iska eeg mar kale inta lugta jug iga siiyay soo jeedin ah ayuu igu yiri: Wiiloow maxaa kaa qaldan sidii aan iskaga kaa ilaalinayay adduunkeygii baad iga jiirtay ee maxaan kaa caawiyaa?
Waxaan ku dhahay horta marka u horreysa iga raali ahoow marka xiga waxaan is weyddiinay su’aashaadii hore jawaabteeda waxaana aan u heli waayay jawaab.
Waxa u igu yiri: oo maxey aheyd? Saan ku iri talaabada xigta aan qaadi doono iyo meesha aan ka bilaabi doono?. Waxa uu hadalkii iigu soo koobay igaarkeey n
majo dhooqo midba mar ayaa la siivaa ee iskuulka ha ka daahin, waxaan ku dhahay ma fahmin waxa aad ula jeeddo minjo dhooqo midba mar baa la siibaa?
Waxa uu igu yiri waa la yaab waxa maanta ku waalaya iminka waxa ka dhimman waqtigii aad iskuulka geli laheyd ma culeys dhanka iskuulka kaa heysta ayaa jira aan kaa caawiyee?
Waxaan ku dhahay maya, Suuye haddaba dhaqaaq intii goor goor tahay.
Sidii aad mooddo in jawaan Galeey dusha la iga saaray baan sii luuday ilaa aan galay fasalkeygii B macalin Xarakoow oo xisadda koowaad oo aheyd xisaab ayaa soo galay durbadiiba waxa uu guda galay inuu arday walbo ka qaado buuggiisa xisaabta e shaqadii guri shelay naloo diray si uu u saxo, nasiibdaro buug qalddan oo ii gooni ahaa oo aan ku keydsan jiray sawir gacmeedyo iyo sheeko jaceyl oo curis aheyd oo aan ugu magacdaray BIRIMADII HAWEENKA boga koowaad marka aad furto waxaa kaa soo horbaxaya Geed Hindi weyn waxa hoostiisa yaala Jiimbaar ka sameysan maqaar Lo’aad iyo looxaan, Jiimbaarta gudaheeda waxa ku qoran Birimadii Haweenka agagaarka geedka waxa ka baxaya geedo yar yar oo geed jini ah, gadaal waxa ka muuqda Bershub 13/13 qol irid bannaan oo labo jaranjaro leh iyo jardiin ka bilaawdo jaranjarada geeskeeda ilaa albaabka ganjeelada.
Ganjeelada midabkeedu waa ka duwan yahay aqalka intiisa kale waa Buluug xiddig cad dhexd uga taal.
Waxaa mar qura indhaheygu qabteen macalinkii oo la ashqaraarsan buuggeyga haddaan indhaha horay u sii riday waa gartay in aan kii xisaabta dhiibin aniga naxdin talo ayaa igu caddaatay wax aan falana garan waayay, sawirka 2aad uu arki doono waa wiil iyo gabar gacmaha is heysta kaddibna waxaa toos u bilaabanaya sheekada BIRIMADII HAWEENKA waxa aan aad uga walwalsanahay buugyarihii mala’awaalka caashaqa oo gacanteyda ka bixi doona iyo ciqaabta aan mudan doono, sababtoo ah, da’deyda iyo badaha aan jibaaxayo isma laha oo weli ma qaangaarin dhidid waaweyn ayaa i qooyay qandho aan ogahay meesha ay iiga timid ayaa igu habsatay dhaqdhaqaaqa macalinka ayaan isha ku hayaa baalkii saddexaad ayuu soo rogay inta uu isha mariyay kuma sii dheeraane meel gees ag dhigtay deedna intii u harsaneyd ee ardayda kale ayuu saxay kaddibna casharkii uu maanta noogu talo galay ayuu ku xardhay asagoon wax sharaxaad ah ka bixin naguna amray in aan minguurino.
Aniga ahaan ardayda kale dareen aysan qabin ayaa igu hareereysan waa mar oo buugyaraheygii iyo sirtii iigu keysaneyd gacanteyda waa ka baxday, waa mar labaad macalinka loogama baran in uu asagoon sharixin casharka inuu kursigiisa dib u fariisto, waa mar saddexaad buugyaraheygii ayuu aqrin ugu dhaqaaqay
Abka Xaaji Qalin-Weyne