Lama Filaan Q-10aad
Bilan oo af-gobaadsaneysa marna ku beer laxowsaneysa Hooyadeed ayaa hadalkii ku bilowday
Hooyo macaan soo dhowoow taladeyda haddey ku cajab geliso adaa igu dhallay oo igu tarbiyeeyay tubta toosan waxa aan rabaa in aan kula wadaago sheeko Aabbe hadda ka hor ku dhacday oo si aan ula kac aheyn u ogaaday deedna uu ilaa aad ka garaadsato qofna ha la wadaagin igu amray sheekadaas oo xal u ah jawaaabta aad Aabbe ka sugeysay ee haddey ku qanciso oo ay kaaga filnaato waxa aad baadi goobeyso ii balanqaad in aadan furiin dalban.
Hooyo xaadsan Afkii baa juuqda sayteen show waa iska noolahay ileen mar hore ayaa la iga adeegtay oo adigana ma ii gambaneyd oo Aabbahaa baad xogheyn u aheyd.
Bilan ayaa tiri: Xaashaa kulilaah haba ka yaabin, ee farta la iiga xiray sida aad adigaba farta iiga xirtay, taasoo aan digniin iyo waano u qaatay waayo Hooyo kala fogeynta ubadka waa wax koriinshaha ubadka u wanaagsan laakiin in la is xiro dhibkeeda ayey leedahay inkastoo qaddarta aan laga weyneyn haddana sababta adigaa lahaa, in aan walaalo ifka ku yeesho.
Markaan Bilan Hooyadeed waa soo dabacday oo xanaaqii waa ka degay Sayteen haye bal ii warramoo warka ii kala dhigdhig.
Bilan baa hadalkeedii ku bilowday maalin maalmaha ka mid baa naloo kaxeeyay fasalkeena oo dhan in aan booqano iskuulka qeybtiisa kale oo xoogaa naga yara fogaa si aan casharo uga jeedino, anaga aan ogaal iyo aqoon uga soo kororsano, waxa aan si kedis ah u arkay Aabbe oo gabar yar gacanta ka haaya oo goobtii kulanka aan joognay ee iskuulka gudahiisa soo galaya deedna waan is gaabiyay si aan u ogaado xaaladda, kaddibna xafiiska maamulaha iskuulka ayuu toos u abaaray.
Intaas markii aan arkay way ii ahaan weyday in aan iska indho tiro waxa aan fasax ka qaatay macalimaddeyda waana ii ogolaatay.
Albaabka xafiiska ayaan u istaagay waa aan maqlayay gabadha yar waxaa lagu heystay in ay dhowr mar soo daahday , shaqada guriga aysan ka shaqeyn haddana ay mar walba marmarsiinyo ka dhigato in aysan heysan Aabbe ka caawiya shaqada guriga dood dheer kaddib waxa la isku afgartay in markaan laga cafiyo mar danbana aysan dhici doonin.
Markii ay soo baxeen buu Aabbe si kedis ah ii arkay anigoo Albaabka u taagan, igana filaneyn halkaan kaddibna waxa uu is keen baray inantii yareyd oo magaceedu ahaa Caa’isho in ay walaashey tahay intaa kaliya iiguma ekeyn ee waxa uu ii sheegay in ay jiraan labo wiil oo kale oo la kala yiraahdo Mu’ayid iyo Muhanad waxa uuna igu amray ilaa amar danbe in aan kuu sheegin arrintaas.
Galabnimadii xigtay ayuu i waday magaalada waxa aanu tegnay meel magaalada bannaankeeda deedna waxa uu ii sheegay inuu Caa’isha asaga dhallin ee uu soo korsaday welina uu u sheegin balse labada wiil uu asagu dhallay.
Marna waa ka naxay marna waa ku farxay waxa aan maqlayo waayo waxa aan aad uga welwelsanaa aniga iyo adiga oo isku sir qarsano sida aan kaaga qarin karo sirtaan weyn.
Waxa uu iiga sheekeeyay qisada Caa’isho iyo sidii uu ku helay dhibkii uu ka mutay, waxa uu yiri: Waxa ay aheyd arooryo hore dadku intiisa badan hurddaan waxa aan u kalllahayay in aan xafiiska Furo halkaas oo aan ugu tegay Cunug yar oo Albaabka la soo dhigay oo ooynaayo, waxa dhacayay qaboow daran gudaha ayaan geeyay deedna waxa aan ugu yeeray Askarta intii aan askarta sugeynay waxaa soo gashay shaqada xogheynteydii ayada ayaana igala wareegtay oo isku agaasintay ilaa ilmihii yaraa uu hurddo.
Markii askarta timid oo nalaga qoray waxa ay dhaheen ilaa aan raad ka heleyno idinka ayaa la idinku ogyahay .
Maalinnimadii adeeg baan u dalbay xogheynteydii baa igu tiri: Maad adiguba qaadatid si kaftan baan u iri haddaad heysaneyso anaa kugu daryeelaaya deedna waa ay aqbashay meel aan ka noqdo ma joogin waxa aan ku balanay in aan ilmahaa yar, ay igu magacowdo ana aan daryeelo, guri aan lahaana waa dejiyay.
Si kastaba arrinku ha ahaadee hooyadaa oo ku jirtay xaalad cakiran oo ilmo raadis aheyd waa ku dhici waayay in aan u geeyo, ilmahaa Alle ku sii ga ah.
Muddo ka dib oo sannad ka soo wareegtay baa gabadhii reerkooda ku qabsadeen in ay ilmahaan Aabbahood keento iyi in aysan intaan ka badan sugi karin, waxaa haddana igu adkaatay gabar aan qabin in aan dhaho anigaa qabo deedna inta mehersaday baan Guf iyo Goys iyo xaal iyo Xumeyn ka dhiibay sidii baana minyaro ku yeeshay, oo waa la aqal galay oo sidii baa walaalkaa mu’ayid ku calool galay.
Arrintaan waxa og hal qof , qofkii labaad waa adiga, hooyadaana waad ogtahay waa qof kulul dhowr mar baan isku dayat in aan u sheego laakiin waa ku dhici waayay waxa aan ugu danbeyn go’aansaday inuu waqtiga u sheego.
Haddaba waxaan kaa rabaa in aad iga caawiso Hooyadaa iyo Caa’ishaba sidii runta na hortaal loogu sheegi lahaa.
Afkiibaa juuqda i gabay waa labo arrin oo mugooda iyo miisaankooda leh wax aan ku hadlo ayaan garan waayay.
Hooyo Xaadsan oo garowsatay in gool ka dhashay ayaa tiri: Ii wad sheekada ma waxaad guddoonsateen adiga iyo Aabbahsa in aad i qoyaantaan war baa ka danbeyn.
La soco qeybaha xiga