Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

INTAAN CIRKA  AHEYNAA CIJIDEYDU KU TAAL Q/4AAD

INTAAN CIRKA  AHEYNAA CIJIDEYDU KU TAAL Q/4AAD
Lugta hore ayuu barkanyahay, baahi ma heyso oo habeen hore  fiidkii ayuu neef Geel ah ka cunay Ragga hadda madaxiisa sida. Hurdada isaga loogu magac-daray ee Barqa-libaaxa isaga oo ku jira ayey si fiican u liishaameen. Waxay mar kaliya ku wada rideen dhowr xabbadood oo ka dhacayey qoryaha Ak47 la yiraahdo ee Kuuriyada waqooyi ay farsameyso. Qoorta iyo garbaha ayey Rasaasta ugu badan kala heleen.
Intuu booday oo Geedaha dardaray, orodna isku dayey ayuu is buurtay, ma garan karo halka laga jiro maadaama uu hurdayey. Garuufka intuu dhulka la galay ayuu is yiri ‘ kac’ laakiin wuu awoodi waayey. Ragga dilayi kuma dhacaan inay u dhawadaan ama ay kaba soo baxaan gabbaadka ay ku jiraane ay bahalka ka soo toogteen.
Wuxuu billaabay inuu rafto oo sida lagu yaqaano Xayawaan kasta ee ruux-baxaya lugta dambe wirfiyey. Hadda waa ay hubaan inuu Libaaxii dhintay, sidaasoo ay tahayna iyaga oo aan aaminka ku qabin ayey meel hore ka istaageen oo mid ka mid ahi Xabbad dhiibi-tir loola jeeday madaxa kaga dhiftay.
Si ay Dadka deegaanka ugu qanciyaan inay Aar libaax soo dileen, darteed ayey madaxa kasoo gooyeen oo ay Tuulada u wadaan, si loo maamuuso oo Abaal-gud fiicanna loo siiyo.
Mako, inaysan ash ahayn oo ay sastay iyaga oo dareensan, ayey billaabeen inay uga sheekeeyaan sida ay Libaaxan usoo dileen, dhibka ay ka mareen iyo Geela uu ka dilay.
Mako, maqal maahee abidkeed Libaax indhaha kama qaadin, waloow ay Raadkiisa taqaano. Muuqaalka kaliya ee ay Libaax ku xasuusato, waa Sawir-gacmeed suran gidaarka Dukaanka ay ka adeegato. Waa sawir uu ka muuqdo Nin la yiri ‘ waa wadaadkii reer Ciraaq, Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani, Alle ha u naxariistee iyo Libaax isaga hoos fadhiya, markiise ay isku eegtay, labadu waa isku egyihiin.
Cabsida, Mako soo wajahday ma yara. Waxay Raggii uga sheekeyneysaa wixii ay maanta Buuro iyo Boholo kaligeed soo martay iyo Bahalkan dilaaga ah oo deegaanka kula nool. Baadi dambe inay sii raadiso iyada oo ka calool xiratay ayaa Jid diq diq ah oo Rastada bari kaga soo dhaca, waxaa ku yimid Odey iyo Gabar uu dhalay oo Beertooda u socda, ka gadaal markii ay kasoo muraadsadeen Tuulada.
Mako iyo labadii Nin oo madaxii Libaaxa dul taagan markii ay arkeen ayey Gabadhii naxday maadaama aysan waligeed arag, laakiin Aabaheed aad ayuu u yaqaan. Ul uu gacanta midig ku heystay intuu bahalka afkiisa galiyey oo miciyihiisa fiirshay ayuu Da’da uu jiro xataa Dadka u qiyaasayaa.
Is wareysi dheer ka dib, Mako oo hadda cabsidii ka yaraatay ayaa Arigii ka maqnaa Dadkii weydiisay markaasaa Odeygii yiri ” Ari dhowr Neef ah Tuulada ayaan hadda uga soo tagnay. Waxaa la lahaa ‘ Nin Rati ka lumay baadi goobaya ayaa Ariga kasoo kaxeeyey dhul cidlo ah oo aan laba daganeyn, Wanan jar ah inay ku jireen waan hubaa, ma se aqaan intay tiro dhammaayeen.
Mako oo Alle ku xamdineysa, farxad na la qosal-gariireysa ayaa Jid-amerikaankii dib ugu laabtay, waxay Tuuladii dhax joogtay Arigeedii oo jafafka daaqaaya. Iyada oo Xoolihii dhanka tuulada usoo qumineysay ayey aragtay Dadkii oo mar kaliya bannaanka u yaacay, dareenka jira ayey is tiri ‘ bal hubi’ mise waa Raggii Libaaxa soo dilay oo madaxiisii intey keeneen suray oo ka laad laadiyey Geed weyn oo jidka ku dhinac yaalla. Carruur iyo Cirroolaba looma kala harin daawashada Boqor ka dugaagga ee aragiisa laga baqo.
Dhammaad.
Mahad-celin:
Waxaan si guud ugu mahad-naqayaa intii gacan igu siisay qoridda Sheekdan 4ta qeyb ka koobnayd, intii aqrisatay iyo intii igu dhiirri-galisay. Si gaar waxaan u mahad naqayaa Saaxibkey C/raxmaan Daahir Dul-yedeyn iyo Awoowihiis iyo sidoo kale, Ismaaciil Cabdulle Xuseen oo gacan i siiyey. Maamulka shabakadda Laashin .com oo Sheekada daabacday ayaan iyana u mahad-celinayaa gaar ahaan Cabdulle Cabdikariim waad mahad san tihiin.
Waxaa qoray:
Qaasim Cabdulle Xuseen ( Nero).

SHEEKOOYIN