Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Shiicada dawladda Xalab oo isku dayday inay xadaan Abuu Bakr Al Siddiiq iyo Cumar Allaha raali labadoodaba ka ahaadee .

 

Shiicada dawladda Xalab oo isku dayday inay xadaan Abuu Bakr Al Siddiiq iyo Cumar Allaha  raali labadoodaba ka ahaadee –

 

Qaybta Afaraad

 

Jariimada iyo qorshaha reer Xalabحلب/

 

Al Khayyaariiالخياري\ wuxuu yiri:

“Kitaabka Al Riyaadu Al Nadirah Min Fadaa’ili Al Cashrataالرياض النضرة من فضائل العشرة/ uuna dhigay Al Muxibbu Al Dhabariiالمحب الطبري// (Al Muxibbu Al Dhabarii ( waana Abuu Jacfar Axmad bin Cabdu Allaahi bin Muxammad, Abuu Al Cabbasnaأبوجعفر أحمد بن عبد الله بن محمد، وقيل أبو العباس waa la yiri, kuna caan baxay Al Muxibbu Al Diini Al Dhabariiمحب الدين الطبري\, Sheekha Mashaayikhda Fiqiga iyo Xadiithkaشيخ مشايخ الفقه والحديث\, ahaana Sheekha Makkah Al Mukarramahشيخ مكة المكرمة\ oo ah Imaamka leh kutubbada ay ka mid yihiin kitaabka wayn ee la yiraahdo الرياض النضرة في مناقب العشرة Al Riyaadu Al Nadrati fii Manaaqibi Al Cashrati, oo Tobanka Jannada loogu bishaareeyey Axaadiithta kusoo aroortay ka warramaya, iyo Al Samdhu Al Thamiinu fii Manaaqibi Ummuhaati Al Mu’miniinaالسمط الثمين في مناقب أمهات المؤمنين\” oo ku saabsan hooyooyinka Mu’miniinta, haweenka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Wuxuu ku dhashay Makkahمكة\, ayaduuna ku dhinta, wuxuuna noolaa inta u dhexeysey lix boqol iyo shan iyo toban iyo lix boqol iyo afar iyo sagaashan Hijrigaهجرية\) wuxuu yiri:

 

“Waxaa ii warramay Haaruun bin Al Shaykh Cumar bin Al Zaghbهارون بن الشيخ عمر زغب/ oo ah mid runlow ah oo lagu kalsoon yahay, caanna ku ah khayrka iyo suubanaanta iyo cibaadeysiga oo ka wariyay aabihiis  oo ka mid ah raga waawayn, wuxuuna yiri:

“Waxaan ku nagaaday Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ (si aan ula jooga Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam) ayadoo uu markaas yahay madaxa khaadimiinta Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Shamsu Al Ddiin Sawaab Ah Lamdhiiشمس الدين صواب اللمطي/ ahaana nin suuban aad baarri ugu ah kuwa saboolka ah una naxariis badan. Aniga iyo isaguna waan is weheshan jirnay.

Markaasuu wuxuu maalin igu yiri:

“Wuxuu kuu sheegayaa mid yaab leh: waxaan lahaa saaxiib ka mid ah kuwa amiirka (Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة) la fariista oo u dhow, iina keeni jiray warkiisa inta ku saabsan aniga xaajadayda. Markaasuu maalin ii yimid oo yiri:

 

“Maanta waxaa dhacay amar wayn!”

Waxaan iri:

“Waana maxay?”

Wuxuu yiri:

“Waxaa yimid rag ka mid ah dadka Xalaحلب/ (dawlad ama wax la mid ah ayay ahaan jirtay maantana waa degmo dalka Suuriyaسوريا\ ka mid ah), waxayna amiirka siiyeen maal aad u fara badan. Waxayna weydiisteen inuu u suurto geliyo inay furtaan Xujradaالحجرة\, ayna kala baxaan jirarka Abuu Bakrأبوبكر\ iyo Cumarعمر\. Markaasuu ka yeelay.

 

Sawaabالمدينة المنورة\ wuxuu yiri:

“Markaasaan arrinkaan daneeyey danayn wayn. In yar kaddibna waxaa ii yimid ergayga amiirka iina sheegay inuu amiirku doonayo inaan u tago. Markaasaan yeelay oo u tegey. Markaasuu wuxuu igu yiri:

“Sawaabow صواب, caawa waxaa albaabka kugu soo garaacaya rag, marka ka fur, una suurto geli inay sameeyaan waxay doonayaa, hana diidin, hana ka hor istaagin.”

 

Wuxuu yiri: waxaan iri:

“Samcan waa dhaacatanسمعا و طاعا\” oo ah “waa maqlay waana yeelayaa.”

 

Markaasaan soo baxay, oo maalintaas oo idil aan gadaasha Xujradaالحجرة\ ku sugnaaday anigoo booyaya, ayadoo ayanna ilmo iga da’ayn, axadna uusan ogayn waxaan ku suganahay, ilaa laga gaaray habeenkii.

 

Markaan cishaha tukannay, dadkuna uu masjidka ka baxay, albaabbadana aan xiray, in yar kaddibba ayaa waxaa la soo garaacay albaabka la siman Baabu Al Amiir”باب الأمير/ ahna Baabu Al Ssalaamiباب السلام/ maxaa yeelay guriga amiirku markaas wuxuu ku yiillay daydka oo la oran juray Al Xisnu Al Catiiquالحصن العتيق/ “.

Wuxuu yiri:

“Markaasaan albaabka furay. Markaasaa waxaa soo galay afartan nin oo aan tiriyay oo uu midba kan kale ka dambeeyo, ayagoo wata majarafohooda iyo faasaskooda iyo badiilkooda iyo shumacyo iyo alaabta wax lagu dumiyo oo idil iyo kuwa wax lagu qodaba.”

 

Wuxuu yiri:

“Markaasay waxay aadeen xagga Xujrada Shariifka ah ee Nabiga الحجرة الشريفة النبوية Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Markaasayan wa Allaahiوالله\ minbarka gaarin ee waxaa wada leqay dhulka dhammaantoodba iyo dhammaan waxay qalab siteenba. Raadna kama harin.”

 

Shariif Al Khayyaariiالشريف الخياري\ wuxuu bogga sideed iyo lixdanaad ku yiri:

“Madaxa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo madaxa Abuu Bakar Al Siddiiquأبوبكر الصديق/ Allaha raalli ka noqdee iyo madaxa Cumar bin Al Khadh-dhaabعمر بن الخطاب Allaha ralli ka noqdee waxay xigaan jihada qorrax u dhac ee Xaramka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam -ahna dhinaca xiga Baabu Al Ssalaamuباب السلام\-, lixdooda lugoodna waxay xigaan jihada qorrax kasoo bax -ahna dhanka xiga Baabu Al Baqiiciباب البقيع/ oo laga baxo salaanta kaddib-, dhabarradooduna waxay xigaan jihada waqooyi -oo ah xagga guriga Faadhimahفاطمة/ iyo Shaamالشام\. Saddexdooda wajina waxay u jeedaan jihada koofureed oo ah jihada Qiblada Sharafta leh oo aad adigu ka taagan tahay.”

 

Meeshaas aad taagan tahay markaad Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam salaameysid oo shabaakada horteeda ah waxaa ku oolli jiray oo uu ahaa guriga Ummu Al Mu’miniina Xafsah bintu Cumar Al Khadh-dhaabحفصة بنت عمر بن الخطاب أم المؤمنين رضي الله عنهما/ Allaha labadoodaba raalli ka noqdee.

 

 

Wuxuu yiri:

“Markaasuu amiirku warkooda raagsaday oo uu markaas aniga ii yeeray, wuxuuna yiri: “Sawaabow صواب, miyeyan raggu kuu imaan?”

Waxaan iri:

“Haa, laakiin waxaa ku dhacay sidaas iyo sidaas.”

Wuxuu yiri:

“Ka fiirso waxaad leedahay!”

Waxaan iri:

“Waa sidaas ee adiguba inta soo kacdid fiiri haddaad wax ka haray arkaysid, ama uu raad ka haray.”

Wuxuu yiri:

“Hadalkaanu meeshaan ayuu ku koobnaanayaa, oo hadday adiga wax kaa baxaan madaxaan kaa goynayaa.”

Markaasaan agtiisa kasoo tegay.”

 

Al Khayyaariiالخياري\ wuxuu yiri: “Al Majdu Al Dhabariiالمجد الطبري/ wuxuu yiri:

“Markaan warkaan ka weeleeyey Haaruunهارون\, waxaan uga sheekeeyey koox asxaabta ka mid ah, uuna ka mid yahay mid aan warkiisa ku kalsoonahay oo yiri:

“Aniguna maalin ayaan la joogay Al Shaykh Cabdu Allaahi Al Qurdhubiiاليشيخ عبد الله القرطبي

Isagoo uu Al Shaykhu Shamsu Al Ddiini Sawaab شمس الدين صواب shekadaan ka warramayo, waxaanna ku maqlay labadeydaan dhegood.” Waa intaas warka Al Dhabariiالطبري\.

 

Abuu Muxammad Cabdu Allaahi bin Abii Cabdu Allaahi bin Abii Muxammad Al Murjaaniiأبو محمد عبد الله بن أبي عبد الله بن أبي محمد المرجاني/ wuu wariyay dhacdadaan ayadoo kooban, kuna wariyay kitaabkiisa “Taariikhu Al Madiinah Al Munawwarah”تاريخ المدينة المنورة/wuxuuna yiri:

 

“Waxaan ka maqlay aabahay, ahna al imaamu al jaliilu Abaa Cabdu Allaahi Al Mujaaniiالإمام الجليل أبا عبد الله المرجاني/ oo yiri: “wuxuu igu yiri:

“Waxaan ka maqlay aabahay Abii Muxammad Al Murjaaniiأبي محمد المرجاني/ oo Ka maqlay khaadimka Xujradaالحجرة\.”

 

Abuu Cabdu Allaahi Al Murjaaniiأبو عبد الله المرجاني wuxuu yiri:

“Kaddibna anigaan waxaan ka maqlay khaadimka Xujrada Shariifkaخادم الحجرة الشريفة ah, wuxuuna u sheegay sidaan hore usoo aragnay oo kale. Wuxuuse yiri:

“Markaasaa waxaa soo galay shan iyo toban ama labaatan nin oo godimohooda iyo faasaskooda iyo badilladooda wata, markaasayan socon waxaan ahayn hal tillaabo ama laba tillaabo oo uu markaas dhulku leqay.” Khaadimka magaciisana ma sheegin.”

 

 

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\

Maalinta axadda ah taariikhduna tahay toban bisha Rajabرجب\ ee sandka kun afar boqol laba iyo soddonka una dhiganta laba iyo tobanka Juunyo laba kun kow iyo toban,

 

 

SHEEKOOYIN