Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Gabayga: “Dhallintu ha tegin yeeli mee!” Curiye; Maxamad Tokiyo

images-1

Gabayga: “Dhallintu ha tegin yeeli mee!”

 

Ta’da gabayga waa iga xirneed tan iyo waagiiye

Waa taad laheeydeen maxaa Tookiyii helaye

Markaan tookha faankeeda iyo tororogteed diiday

Iyadoo tabaaleeysan beey eegga ii timiye

Tumburyada durbaankiyo bal aan tugunbo yeersiiyo

Xaalkaan tagoogiyo ka jabay dhabarka taaggiisa

Galeeyroow (1) dhan loo tiirsho baan toona garan waayay

Dhallintaan ha tagin yeeli mee, tabiya waa meele

Nafna taako la ma baajin karo taasna waan hubaye

Ninba tiisa Eebbaa hayoo maalin beey tagiye

Masiibada na taabatay miyaaan toosin kari weynnay

Talowgiyo cabaadkii miyaa taarka lagu ooyay

Teedaha Masaarida miyuu tuban yahoo meydka

Afar boqolya toban maa haddeer tiradu sii dhaaftay

Tacsi diridda mooyee miyaan talo kaluu weynnay?.

 

Afartaas tubeeyee haddaan tiiro kale baasto

Saciidoow (2) adaa toosin jiray, tirinta suugaane

Dhir intii tigaadlaba hadduu cadawgu taargeestay

Inta kalena tuug soo baxoo tacable boobaayo

Tolka dhaqan intii tiris xigtiyo tulud yar mooyaane

Taagnaasho shacabkii haddii lagu dul tuuryeestay

Da’yartiina aan loo tureyn gacanna loo taagin

Tujaarnimo Ilaaheey hayaan cidi ka tuugeeyne

Nafta biimo waa kaa tustaa heer kastoo tahaye

Tab u keena tiradaa hartaaan baaqda leeyahaye!

 

Tirsi bilo leh maalmaha is xiga socodka taariiqda

Bashiiroow (3) tixdaan iga qor oo, teebka gali caawa

Inta uun tunweynaha la rabo garab ku taagleeya

Inta tiisa ruux wata la oran talada noo haaye

Inta taranturrood lagu ogaan keenna taagdarani

Isu tagga is taabaca qabiil tashiga beeleeysan

Bar ku tiirsan carabtiyo barkaa uu Tigrigu quudsho

Inta dheef shisheeyaha ka timid loo tartami haayo

Inta qolo waliba tiigsanee waxa tagee dhaafay

Inta uun xumaha leysu tirin samana loo tiinshay

Inta aan takoorkiyo la deyn, taada ku la yeeshay

Arki meynno toban naga midoo xaq is ku taageerta.

 

Afartaas tubeeyee haddaan tiiro kale baasto

Tu kaloon dareemaa jirtooo laabta iga tiile

Hodaneey (4) tuhmada kugu jirtaan, ku la tabaayaye

Tarabtarabka meydkaa u yaal xeebta Tiripooli

Aaggaa Talyaaniyo Yemeni Tuunis dhinaceeda

Muuq tusaha waxuu baahiyoo tacajabkii yaable

Markaad dhugatay toorrida raggii lagu qalee taahay

Markaad maqashay togagaha raggeey maartu tifaneysay

Markaad aragtay toogasho raggii tuurta laga baacshay

Wax tarkiyo cuqaal badan intaad geeridood tabatay

Kolleey baad is tiri; yaa haroo aragti toolmoon leh

Hodaney tuhmada kugu jirtaan ku la tabaayaye

Timirada haweenood intey tuulo na la joogto

Bir la toobay maahine tarmuu Eebbe noo qoraye

Dhulka ka ma tirmeynnoo, mar baan toobiyaa heline

Ha walwalin tuf baad noo tihiin barako qeyraade.

 

Dhammaad

 

(1)             Abwaan Cabdiraxiim H. Galayr

(2)            Abwaan “Siciid Muuse Ustaadka

(3)             Bashiir M. Xersi

(4)            Abwaanad Hodan Sh Cumar

 

Curiye; Maxamad Tokiyo 

SHEEKOOYIN