Caadada Akhriska: Dheef iyo Dhib
Wax akhriska joogtada ahi waa caadada ugu mudan caadooyinka aadanuhu qabatimo. Walow akhiska iyo waxa la akhriyaaba jaadad badan yihiin, akhriska aan halkan uga hadlayaa waa akhriska buugaagta.
Buug akhrintu waa caado ay qabatimiddeeda tiro yar oo Soomaali ahi nasiib u yeesheen. Waa caado qofka noloshiisa bisha, macne iyo dhadhanna u yeesha. Ayaandarro se, dadka Soomaaliyeed badankoodu caado akhris ma leh, sababo soojireen ah – oo dhaqanka iyo habnololeedku ka mid yihiin – iyo kuwo baraarug la’i dartood.
Sidaa daraaddeed bay dadkeennu, badankoodu, uga qatan yihiin dheefta akhrinta buugta laga helo. Haddii akhriska buugta dheef ballaaran laga helo, docda kalena waxaa jirta dhib aan buurnayn oo buug akhrinta loogu tago.
Qormadan gaaban waxaan ku taataaban doonaa qaar ka mid ah faa’iidooyinka wax akhriska, iyo dhibaatooyinka la soo gudboonaada dadka caadada wax akhriska qabatimay ee sida joogta ah buugaagta u akhriya.
Dheefaha akhriska
1. Isbeddel nololeed
Wax akhrintu, gaar ahaan yeelashada caado buug akhris oo joogto ahi, waa barta aadanuhu, qof, qof iyo qaranba uu isbeddel nololeed ka unko. Miyaa sooyaalka aadanaha laga soo helayaa qof, qoys ama/iyo quruun isbeddel nololeed sameeyey iyaga oo aan caado akhris qabatimin? Jim Rohn oo ah qoraa caan ahi waxa uu yiri “Akhrisku waa u muhiim kuwa doonaya in ay ka sarakacaan/guuraan [nolosha] layaqaanka ah (Reading is essential for those who seek to rise about the ordinary).”
Napoleon Bonaparte, hoggaamiyihii Faransiiska, waxa uu ka dhashay qoys Talyaani ah oo nolosha layaqaanka isaga noolaa. Laakiin isagu noloshaas qoyskiisa ee soojireenka ahayd waa uu ka guuray. In Napoleon uu nolosha layaqaanka ka digarogtana akhriska buugta ayaa qayb libaax ku lahaa. Isaga qudhiisa oo taas ka maragkacayana waxa uu yiri “I tus qoys wax akhriya, aniguna waxaan ku tusayaa dadka adduunka dhaqaajiya (Show me a family of readers, and I will show you the people who move the world).”
2. Xorriyad, waayo-aragnimo iyo horumar nafeed
Qofka buugta akhriyaahi waxa uu kasbadaa aqoon iyo waayo’aragnimo ka ballaaran inta goobaha tacliinta laga kasban karo. Waxa kale oo akhriska buugtu uu akhristaha siiyaa xorriyad uusan meel kale ka heli karin. Saynisyahankii reer Maraykan ee Carl Sagan oo tilmaamaya waayo’aragnimada akhrinta buugta laga dheefo waxa uu yiri “Mar qur ah oo aad buug eegto waxaad maqlaysaa codka qof kale oo kun sano mootanaa. In aad akhrisaana waa safar aad waayaha [dib] ugu sadcaalayso (One glance at a book and you hear the voice of another person, perhaps someone dead for 1,000 years. To read is to voyage through time).”
Filasuufkii Renè Descartes oo isaguna dheefta buug akhrinta qeexayaa waxa uu yiri “Akhrinta buugta wanaagsan oo idili waxay ka dhigan tahay la sheekaysiga maanka [maskaxda] dadkii ugu cajiibsanaa ee qarniyadii tagey (The reading of all good books is like a conversation with the finest minds of past centuries).”
Bal qiyaas adiga oo horfadhiya oo la sheekaysanaya dadkii ugu garaadka iyo halabuurka wacnaa ee adduunyada soo maray! Miyuu jiraa qof naga mid ah oo dayici lahaa haddii ay soo marto fursad uu kula sheekaysan karo dadkii ugu garaadka badnaa ee sooyaalka aadanaha soo maray? Dabcan waa maya. Haddaba ka warran haddii ay fursaddaasi maalin walba na hortaallo ase aynaan ku baraarugsanayn? Dhab ahaantii, dadkaasi waa ay na la joogaan, buugaagta ayay dhex fadhfadhiyaan ee aan ku baraarugno oo buugaagta kala furno.
Baraarug la’ida iyo u dhugmo la’aanta akhrinta buugtu waa xabsi ciriiri ah oo nolosheenna soo koobaya. Waa silsilad maankeenna ku jaban taas oo halabuurkeenna aafaysay. Akhris la’aanta buugtu waa xorriyad la’aan. Halgamaagii reer Maraykan ee Frederick Douglass na waa tii uu yiri “Jeerka aad akhriska baratid, abidkaa xor baad ahaanaysaa (Once you learn to read, you will be forever free).”
Akhrinta buugtu, ka sokow in ay aqoonta qofka kordhiso, waxay afaysaa garashada iyo fekerka qofka, oo waa tii ay murtidu ahayd: feker inta aadan hadlin, akhri inta aadan fekerin. Buug akhrintu qofka halabuurkiisa ayay gardaadisaa, awooddiisa luqadeedna waa ay ballaarisaa. Sidoo kale, akhrinta buugtu nafsadda iyo kalsoonida qofka ayay dhistaa oo waxay ka dhigtaa qof adkaysi badan. Qoraagii lagu magacaabi jiray W. Somerset oo dheefta buug akhriska tibaaxayana waxaa laga reebay ”In aad caado akhris yeelatid waxay la mid tahay in aad naftaada u dhistay gabbaad aad kaga gabbato dhammaan saxariirta nolosha (To acquire the habit of reading is to construct for yourself a refuge from almost all the miseries of life).”
3. Badqabyo nafsadeed
Dheefaha akhriska laga helo waxaa ka mid ah kuwa caafimaad nafsadeed ah. Cilmibaarisyo badan oo la qaaday waxay muujiyeen in akhrisku wax ka taro cudurrada nafsadeed iyo maskaxeed, sida walafka iyo xusuusguurka. Buug akhrintu xusuusta qofka ayay xoojisaa. Caaddifaddiisana waa ay xakamaysaa, dhimrintiisa iyo damqashadiisana waa ay kordhisaa. Sidoo kale, dheefaha buug akhrinta waxaa ka mid ah in akhrisku uu hurdada qofka ka kaalmeeyo, iyo xataa in qofka buugta akhriyaahi uu ka cimri dheer yahay kuwa aan buugta akhrin. Sida cilmibaarisyo la sameeyey ay muujiyeen. Faa’iidooyinka buug akhrinta lagu sheegay waxaa ka mid ah hagaaninta xirfadaha dad la xiriirka ee qofka buug akhristaha ah.
Dhibta buug akhrinta
Walow faa’iidooyinka akhrinta buugta lagu sheegay ay ka mid tahay hagaajinta dad la xiriirka (dad la dhaqanka) haddana docda kale dhibaatooyinka buug akhrintu ay akhristaha u gaystaan waxaa ugu mudan saamayn taban oo dad la dhaqanka (la xiriirka) akhristaha ku timaadda. Caadada buug akhrinta joogtada ahi waxay akhristaha, ama akhristayaasha qaarkood, ka dhigtaa goonijoog la joogga dadka kale yaraysta, ama ka fogaada. Buugtu waxay akhristayaasha qaarkood, gaar ahaan kuwa leh dabeecadda loo yaqaan “Introvert”-ka u buuxiyaan booskii saaxiibbadiis iyo xataa booskii xubnaha qoyskiisu ugu jireen. Qofka caadada buug akhrinta qabatimaahi waxa uu dhibsadaa oo dhadhan u yeelan waaya sheekada dadka kale, kuwa aan buugta akhrin.
Waxaa suuragal ah in caadada buug akhrintu ay qofka akhristaha ah ee akhriska ku mamay shaqadiisa saamayso. Aniga qudhayda ayayba i qabsatay oo buug akhrin darteed shaqo la iiga eryi tagey.
Beri aan baswade ka ahaa magaaladan Perth, markaan baska wado, mar kasta oo aan baska joojiyo ama istaago buug ayaan la kala baxi jiray oo akhris ugu dhaqaaqi jiray. Haddee waa mar walba iyo meel walba oo aan istaago: bas istaagga, bas istayshinka iyo xataa samaafarayaasha (traffic lights). Xataa haddaan daqiiqad taagnaanayo buug ayaan akhris ku bilaabi jiray. Dabadeed maamulayaashii basaska waxay igu amreen in aan buug akhrinta joojiyo kolka aan baska wado. Laakiin hadalladooda dheg u ma aanan dhigin. Ka dib na waxay bilaabeen in ay i basaasaan oo sheedda iga daawadaan. Tobannaan jeer baa maareeyuhu xafiiskiisa iiga yeeray dabadeedna iga ga digay buug akhrinta, markaan baska wado, ama marka basku shaqada ku jiro (in service). Ha se yeeshee hawshaydii ayaan iska watay digniinihii maareeyahana dheg waan u dhigi waayey. Waan kari waayey in aan daqiiqad meel iska taagnaado iyada oo buug i agyaallo. Waan diiday in aniga iyo buugtayda uu ruux kale na dhexgalo oo na kala irdheeyo. Shaqada iyo buugga haddaan midkood luminayo waxaan doortay in aan shaqada lumiyo.
Qiso tayda la mid ahi waxay qabsatay filasuufkii reer Switzerland ee Jean-Jacques Rousseau oo ahaa buug akhriye jaadkiisa oo kale naadir yahay. Rousseau oo aan qaangaarin baa loo geeyey nin farsamo yaqaan ahaa si uu farsamada gacanta u baro (apprenticeship) muddo shan sano ah. Laakiin ninkii waxa uu dhibsaday wax akhriska badan ee Rousseau. Rousseau oo arrintan ka warramayaana waxa uu yiri “Buug walba ayaan akhrin jirin, ku fiican iyo ku xunba. Waxaan akhrin jiray markaan shaqada joogo; markaan farriin sido; markaan musqul ku jiro… wax akhris aan ahayn ma aanan qaban jirin. Macallinkaygii ayaa i basaasay, waa uu igu kediyey, waa uu i garaacay [ii gacan qaaday], buugtaydii ayuu iga qaatay.”
Ugu dambaynna shantii sano oo aan dhammaan buu Rousseau ninkii waxbarayey isaga cararay.
Rousseau oo akhris badnidiisii iyo buug jacaylkiisoo ka warramayaa waxa uu sheegay in uu xataa maryihiisa iibin jiray si uu buug u soo gato, ama u soo kiraysto.
Gebagebadii, waxaan ku soo gunaanadayaa hadal dhaxalgal ah oo qiimaha buugta tilmaamaya kaas oo naga soo gaaray qoraa reer Ruum ahaa oo lagu magacaabi jiray Sisiro (Cicero): Qol aan buugi ool waxa uu la mid yahay jidh aan ruux/nafi ku jirin (A room without books is like a body without a soul).
Waxaan rejaynayaa in mar aan dheerayn ay dhallinyarada Soomaaliyeed yeelan doonaan caado buug akhris oo maalinle ah, aqallada Soomaaliyeedna ay noqon doonaan kuwo nool oo ruuxi ka buuxdo.
Waxaa qoray Cali M. Diini




