WIILKII MASIIX MADOOBEEYEY | John Henrik Clarke

WIILKII MASIIX MADOOBEEYEY

Qore: John Henrik Clarke

Turjume: Cali M. Diini

 

 

Waxa uu ahaa wiilka ugu fariidsan iskoolka ardayda madow ee degmada Muskojii. Dadka dugsiga ku xiran oo dhan, xataa kuwa sida dadban ugu xirani, tan waa la socdeen. Had iyo jeer macallimaddu magaciisa ayay si xarrago leh u yeerin jirtay, iyada oo tilmaamaysa in uu yahay ardayga loo baahan yahay. Mar baan maqlay iyada oo dhahaysa: “Haddii uu caddaan ahaan lahaa laga yaabi lahaayaa, maalin uun, in uu madaxweyne noqon lahaa.” Iska dhaaf in Aaron caddaan yahaye, taas beddelkeeda, jidhkiisu madow dartiis buu u dhalaalayey, waxaana ka muuqday samaan gudeed oo yaab leh, taas oo aanan fahmi karin.

Si yaabo badan waxa uu ugu ekaa sidii wax si sirgaxan la isugu toltolay. Sankiisa iyo bushimihiisu labaduba waxay u muuqdeen wax aan qiime lahayn oo wejigiisa ku weyn. In aan iraahdo waa uu foolxumaa waa dulmi, waa uu qurxoonaa haddii aan dhahana waa buunbuunin dheeraad ah. Dhab ahaantii maankaygu weligii go’aan kama gaarin sidii uu u ekaa. Mar mar waxa uu u ekaa sidii oo uu yahay ruux taariikho hore noolaa. Waxaad moodaysay in uu ahaa haraadi ka yimid qarniyadii hore ee quruxda badnaa, ka hor intaan waayaha mishiinnaddu wasakhayn quruxdii dabiiciga ahayd ee dhulka.

Hibooyinkiisa waaweyn ee kala duwani macallimiinta ayey fajax ku ridi jireen. Tani waxay sababtay in ardaydu sare ugu eegaan dareenno isugu jira jacayl iyo xasadnimo.

Ciidda mahadnaqa ka hor, mar walba waxa uu sabuuradda ku sawiri jiray booloboolo iyo bocor. Maalintii dhalashada ee George Washington waxa uu sawiray calanka Maraykanka oo gudmo yar yari ku hareeraysan yihiin. Anuuggan yar ayaa sabab u ahaa in uu noqdo inanka loogu hadal hayn badnaa wiilasha madow ee magaalada Columbus ee gobolka Georgia. Niigarkii iskoolka Muskojii maamulaha ka ahaa waxa uu rumaysnaa in Aaron maalin uun noqon doono farshaxamiiste weyn oo la meeqaan ah Henry O. Tanner.

Dhalashadii macallimadda oo ku aadday toddobaad ka hor furitaankii teeramka cusub ee iskoolka darteed baa Aaron Crawford waxa uu sawiray sawir sawaxan badan dhaliyey, sidoo kalena saamayn weyn ku ku yeeshay iskool degmada Muskojii. Aroortaas markii uu fasalka soo galayba indhaha oo dhani isaga ayey ku jeesteen. Kolka laga yimaado boorsadiisii duugga ahayd ee buugtu ugu jirtay, waxa uu sitay shay weyn oo wargeysyo duug ahi ku duuduuban yihiin. Intii uu kursigiisa ku sii socdayna indhaha macallimaddu si taxaddar leh ayey dhaqdhaqaaqiisa u la socdeen iyadoo muusoonaysa farxad iyo yaab iskudhafanina ka muuqdaan.

Aaron inta uu buugtii dhigay buu isagoo dhoollacaddaynaya dhanka miiska macallimadda u dhaqaaqay. Indhihiisu waxay la iftiimayeen farxad heerkeedu naxdin gaaray. Fasalka oo dhan shanqar kale laga ma maqlayn.

Aaron waxa uu macallimaddii u eegay sidii oo uu wax wayddiinayo iyaduna si taxaddar leh bay gacanteeda ugu soo taagtay haddiyaddii, sidii in haddiyadda loo dhiibayo uu bahal dad cun ahi ku dhex jiro. Waxaan hubaa in taasi ahayd waxa ugu dambeeya ee ay filaysay.

Kuurkuursi deg deg ah ka dib, si aan kutalagal ahayn baan kursigii uga kacay. Nuxnux hoose ayaa gebi ahaanba fasalkii ku baahday. Macallimaddii oo indho canaan leh ku eegaysa ayaa dhankii ardayda u jeesatay. Ardayduna haddiyaddii Aaron macallimadda u keenay bay indhaha ka jeedin waayeen. Waxa uu ahaa sawir weyn oo Masiix oo madow ah.

Aaron Crawford kursigiisii ayuu ku noqday iyadoo dhaqdhaqaaqiisu muujinayo dareen guuleed.

Macallimaddii way nagu soo jeesatay. Muusoodkeeda faduushu ku dheehnayd waxaa daboolay layaab qabow. Wejiyada iftiimaya ee horteeda fadhfadhiya ayey indhaha la raacraacday ka dib na waa ay muusootay, iyadoo mar mar eegmada ku xadaysa sawirka ballaaran ee miiskeeda saaran, sidii oo uu yahay wax la xarrimay.

Ugu dambayn waa ay hadashay, “Aaron,” iyadoo hadalkeeda xooga hubanti la’aan ahi weheliso, “haddiyaddani waa mid aad ii farxad gelisay. Waad mahadsan tahay. Aad baan u dhawri doonaa.” Xoogaa bay aamustay. Ka dib hadalkii ayey sii wadday. “Waxay u muuqataa in aad farshaxamiiste fiican noqonayso… ka warran haddaad soo istaagto dabadeedna aad fasalka u sheegto sidii ay kuu dhalatay sawirradda farshaxankan cajiibka ah.”

Markii uu kacay, si uu sawirka u sharraxo, ayaa hal mar fasalkii oo dhan aamus daboolay, ardaydiina dhegahoodii oo dhan isaga ayey siiyeen, taas oo ahayd wax macallimaddu mar mar naadir ah ardayda ka hesho. Horay u ma uusan hadlin, cabbaar buu fasalka hor taagnaa, isaga oo gacmihiisa ku mashquulsan, si maqane-jooge ah. Dhegaystayaashiisa ayuu indhaha la raacraacay si taxaddar leh, sidii in uu yahay fannaan weyn oo masrax taagan.

“Sidan ayey ahayd,” ayuu yiri, isaga oo eray walba carrabka ku adkaynaya. “Ma garanaysaan, abtigay oo New York ku nool taariikhda dadka madowna Y. M. C. A. (Young Men’s Christian Association) ka dhiga sannadkii hore mar uu na soo booqday waxa uu ii sheegay in ay jiraan dad waaweyn oo madow ah kuwaas oo taariikh reebay. Waxa uu yiri dadka madoobi mar bay ahaayeen dadka ugu awoodda badan adduunka. Kolkii aan wayddiiyay wax Ciise ku saabsanna waxa uu yiri ma jirto cid abidkeed xaqiijisay in Ciise madow ahaa iyo in uu caddaan ahaa toona. Ka dib na waxaa igu dhashay dareen ah in Ciise uu nin madow ahaa, maxaayeelay waxa uu ahaa mid naxariis iyo cafis badan, in badan ka naxariis badan dadka caddaanka ah ee aan garanayo. Sidaa awgeed, waxaan u masawiray sidii aan u maleeyey in uu ahaa.”

Intaa ka dib farshaxamiistihii yaraa waxaa uu fadhiistay isaga oo qoslaya, sidii in uu helay furihii darka aqoonta kaas oo dadka caadiga ahi in ay helaan iska dhaafe aysan weligood ku riyoon.

Macallimaddii oo garan la’ wax kale oo ay samayso waxay ardaydii ku casuntay in ay kuraastooda ka soo kacaan si ay muuqaal dhammaystiran uga helaan farshaxankan gaarka ah ee Aaron keenay.

Markii aan sawirka u soo dhowaaday, waxaa ii muuqatay in sawirka laga sameeyey rinjiga laga soo gato dukaanka tobanka iyo shanta senti. Qaabkiisa xoogaa mugdi ah baa ku jiray sidii in qof uu sawirka ruxay iyada oo aan rinjigu weli qallalin. Indhaha Ciise waa ay godnaayeen oo murugaysnaayeen, sida indhaha Aaron aabbihiis oo ahaa wadaad ka tirsan Kaniisadda Baabtiistaha ee degmada. Sawirkan Ciise waxa uu u ekaa in uu aad uga duwan yahay midkii aan ku arki jiray darbiga Dugsiga Axadda. Waxa uu u ekaa Niigar taagdaran oo baryootamaya.

Maalmihii xigay waxaa aloosnaa hadal hayn badan oo sawirka Aaron ku saabsan.

Toddobaadkii xigay waxaa dhammaaday teeramkii iskoolka, sawirkii Aaron sawiray iyo sawir-gacmeedyo kale oo ardaydu samaysayna waxaa la isugu geeyey qolka shirarka ee iskoolka. Caadiyan sawirka Aaron waxaa la suray meel sharfan.

Maalintii bilowga tareemka cusub ma jirin buugaag laga shaqeeyo, sidaa daraaddeed, farxadda ardaydu aad bay sarraysay. Gabdhaha iskoolku waxay ku labbisnaayeen dhar bilicsan oo iskoolka ku saaqay saxansaxada roobka gu’ga oo kale.

Maalinta bartankeedii dhammaan ardaydii waxay ku urureen hool yar. Maalintan oo kale mar walba waxa ay ahayd maalinta uu jecel yahay in uu booqasho noogu yimaado nin macallimiinta oo dhani u hadal hayn jireen si xushmad iyo cabsiyi ku laran tahay. Barafasoor Danual ayey ugu yeeri jireen, mar walbana magaciisa si xushmadi ku dhan tahay bay ugu dhawaaqi jireen. Waxa uu ahaa Kormeeraha iskoollada degmada oo dhan, oo ay ku jiraan kuwa yar yar ee aan sida wacan u qalabaysnayn ee ardayda madow loogu talagalay.

Ugu dambayn ninkii weynaa waa uu yimid isla jeerkii furitaankii teeramku uu dhammaaday. Kolkii ardaydu arkeen in uu soo galayo inta ay wada istaageen bay si qaddarin leh ugu rukuuceen, ka dib na waa ay fadhiisteen. Indhaha ardaydu waxay ninka ugu dhaygagsanaayeen sidii in uu yahay jilaa laga naxo.

Waxa uu ahaa nin dheer oo caddaan ah oo leh timo badan oo cirro ah. Wejigiisa shubani waxa uu u muuqday in uu ka cad yahay sida uu dhab ahaan u ekaa. Indho buluug ah oo iyaga oo kale aanan horay u arag buu lahaa. Gebigiisaba indhaha uun baa waxa nololi ka muuqato ka jiray.

Intii uu soo socday waxaa horkacayey maamulihii Niigarka ahaa, George Du Vaul, kaas oo si taxaddar ka muuqdo jidka ugu bannaynayey. Kolkii uu i dhinac marayey waxaa i soo gaarayey nuxnuxda macallimiinta oo cabsi darteed neefta isugu celinaya.

Bartamaha hoolka waxaa yaallay kursi weyn oo shaqaalaha nadaafaddu si wacan u nadiifiyeen u na habeeyeen. Kormeerihii si toos ah ayuu kursigii quruxda badnaa u abbaaray, isaga oo og in kursigaas shacniyeysani uu isaga gaar u yahay.

Maamulihii Niigarka ahaa waxa uu soo dhoweeyey ninkii martida sharfan ahaa, ka dib na khudbad gaaban buu raaciyey. Khudbad sidaa u sii ridan ma ay ahayn. Waxaan se xusuustaa in dhammaadka khudbadda uu ku sheegay in uusan la yaabayn haddii wiil naga mid ahi noqdo nin weyn oo madow, oo la mid ah Booker T. Washington.

Kolkii maamulihii fadhiistay kooxdii iskoolku waxa ay qaadeen labo qasiiddo oo diini ah, ka gadaalna gabdhihii iskoolka ayaa soo bandhigay labo ciyaar-dhaqameed oo Hindiyaan ah. Sidan ayaa barnaamijkii lagu soo gunaanaday.

Intaa ka dib Kormeerihii ayaa halkii uu fadhiyey ka soo kacay, indhihiisu sidii uu khabardoon yahay bay fiigsanaayeen. Ka dib waxa uu bilaabay in farshaxankii qolka yaallay uu eegeego.

Si deg deg ah baa wejigiisu dib ugu soo noolaaday. Indhihiisii buluugga ahaa ayaa layaab wac la yiri. Waxa uu fiirinayey sawirkii Masiixa ee Aaron Crawford sawiray. Isaga oo foorara ayuu sawirkii ku dhowaaday, eegmo ayuu kula dhaygagay, sidii in meesha bahal halis ahi yuururo kaas oo daqiiqad kasta inta uu kaco burbur baahsan geysan kara.

Si dareen leh baan u sugaynay waxa xiga ee uu samayn doono. Aamuska qolku waxa uu ku dhowaa in uu neefta nagu dhejiyo. Ugu dambayn inta uu soo jeestay buu wejiyada naxsan ee hortiisa fadhfadhiya eegay. Indhihiisii cabsida lahaa oo xoogaa cadhadii ka khafiiftay ayaa maamulihii Niigarka ahaa ku dulhakaday.

“Yaa sawiray gaalnimadan macne la’aanta ah?” ayuu si kakan u su’aalay.

“Anigaa sawiray, Mudane.” Aaron ayaa si baqo ku jirto u yiri. Inta uu bushimaha si xishood ka muuqdo u qoystay ayuu Kormeerihii kor u eegay. Indhihiisu si murugaysan bay u dirayeen codsi ah in Kormeeruhu uu fahmo.

Hadalkii ayuu sii waday, markan si sidii hore ka dhiifoon. “Maamuluhu waxa uu yiri qofka madoobi waxa uu leeyahay xaq uu ku sawiri karo Ciise madow, sida kan cadiba uu sawiri karo Ciise cad. Cabbaar buu aamusay, sidii uu raadinayo erayadii uu oran lahaa. Qayir baa daboolay wejigiisii madoobaa ee dhalaalayey. Dhawr eray ayuu haddana soo tuuray dabadeedna aamusay.

Kormeerihii oo kolkan wejigiisii dhuubnaa nafi soo gashay ayaa dhawr tallaabo dhankiisa u soo qaaday.

“Hagaag, soco, hadal waan ku dhegaysanayaaye!” ayuu Kormeerihii si cadho leh u yiri.

Aaron bushimihiisa ayuu si nacasnimo ah u dhaqdhaqaajiyey laakiin erayna kama soo baxin. Indhihiisu qolka ayey fiirfiirinayeen, ugu dambaynna iyaga oo xoogaa rejo ahi ka muuqato ayey maamulihii Niigarka ahaa ku dul hakadeen. Haddana gees kale ayuu eegay iyadoo la moodo in uu ka shallaysan yahay in hadalkii uu yiri uu isaga iyo maamulaha kala fogeeyey.

Maamulihii ayaa soo istaagay si uu u daafaco ardayga qiimaha badan ee iskoolka.

“Aniga ayaa inanka ku dhiirrageliyey sawiridda sawirkan,” ayuu si adag u yiri. “Oggolaanshahayga ayuuna sawirka iskoolka ku keenay. Mana u malaynayo in wiilku ku khaldan yahay sawiridda Masiix madow. Farshaxamiinta ummadaha kale oo dhan waxay sawiraan Ilaaha ay caabudaan oo iyaga u eg. Mana ii muuqato sabab annaga taas inoo diidaysa. Qushigeede, Ciise waxa uu ku dhashay qaybtaas adduunka ka midka ah ee mar walba dadka madoobi degganaayeen. Waxaana jira suurtagalnimo weyn in Ciise uu Niigar ahaa.”

Haddii aanan maqlayn neeftuurka culus ee dadka waxaan ku dhaaran lahaa in ereyadiisu ay wadnaha istaajiyeen qof walba oo madasha fadhiyey. Waligay ma arag maamulahan yar oo sidaas geesinimada leh u la hadlaya qof kale, madow ama caddaan.

Kormeerihii yaab buu candhufta la liqi waayey, wejigiisana cadho badan baa dabooshay.

“Ma waxaan oo kale ayaad ardayda u dhigtaa?” ayuu Kormeeruhu maamulihii Niigarka ahaa wayddiiyay.

‘Waxaan u dhigaa in boqorro iyo boqorado waaweyn iyo addoomaba ay tolkood ka soo baxeen,” maamulihii ayaa yiri. “Mar hore ayaa la dhaafay waqtigii aan adduunka u sheegi lahayn in aan nahay ummad ilbaxnimo sare lahaan jirtay, muddo badan ka hor intii reer Yurub aysan far qoran yeelan.”

Kormeerihii xanaaq ayuu la gariiray. “Mushaharka lagu gu ma siiyo in aad waxan oo kale iskoolka ka dhigtid, waxaanan kaa dalbanayaa in aad hadda iscasishid maadaama aad xadkaagii ka gudubtay.”

George Du Vaul hadal ma uusan oran. Gilgil xoog leh wejigiisa oo murugsan daboolay. Si tartiib ah buu isu rogay oo qolka uga baxay waxa uu na aaday dhanka xafiiskiisa.

Qaar ka mid ah macallimiintii ayaa maamulaha ka daba baxay, carruurtiina iyaga oo niyad-jabsan bay hoolkii ku hareen, iyagoo aan garanayn waxa ay xiga ee ay tahay in ay sameeyaan. Ugu dambayntii, annaguna fasalladayadii ayaan ku noqonnay.

Maalmo yar ka dib waxaan maqlay in maamulihii uu shaqo macallinimo ka helay dugsi sare oo ku yaal meel koofurta Georgia ka mid ah, sidoo kalena uu Aaron u horay u sii watay ka dib markii uu waalidkiis oggolaansho ka helay, si uu hibadiisa farshaxanimo ugu sii dhiirrageliyo.

Kolkii aan guriga aadayey ayaan arkay maamulihii oo xafiiskiisa ka soo baxay. Shandad weyn ayuu jiidanayey dhawr buugna kolkosha ayey ugu jireen. Goor horeba macallimiintii ayuu soo macsalaameeyey, la yaabkuna waxa uu ahaa in uusan u ekayn qof niyadjabsan. Markii uu albaabka weyn ka sii baxayey ookiyaalaha ayuu toosistay gadaalna ma uusan soo eegin.

Saxansaxada guuleed ayaa tallaaboqaadkiisa askarinimo karaamo dheeraad ah u sii yeelay. Waxa uu lahaa muqaalka sidii qof guul weyn gaaray, guul ka ballaaran tan dadka caadiga ah.

Aaron Crawford ayaa bannaanka ku sii sugayey. Si wadajir ah ayey jidka ugu lugeeyeen. Gacmihiisa ayuu Aaron garbaha si kalgacal leh uga saaray. Si daacadnimo leh ayuu Aaron arrin uga la hadlayey, Aaron na si daacadnimo ka muuqato ayuu u dhegaysanayey.

Waan sii eegayey kolkii ay jidka sii socdeen ilaa muuqoodii hummaagoobay. Xataa masaafadaas fog waxaan arkayey tallaaboqaadkooda sharfan, sidii oo ay yihiin labo ruux oo nooc uun guul ah xaqiijiyey.

SHEEKOOYIN