Dhimaal Dhaqan​ Buug-daalacasho W.D. Prof. C.Qaadir Ruumii

Dhimaal Dhaqan​

Buug-daalacasho

 

Dhaqanka bulshada Soomaaliyeed wuxuu ahaa muddo fog mid ku salaysan habka dhaqan-dhaqaale ee degaannada Soomaaliyeed. Dhaqanku waa hab lagu dhaqmo, oo facba facii ka horreeyay ka dhaxlo. Dhaqankeennu wuxuu isugu jiraa qayim, akhlaaq, caadooyin iyo xeerar sooyaal ah.

Xeerkii hore ee Soomaalida wuxuu ahaa mid aan qornayn,waxaana goyn jiray duqowda ama akhyaarta. Dhaqanku waa sidii noolaha oo kale, wuxuuna sameeyaa isbeddel joogto ah. Dhaqanno cusub baa dhasha mar kasta, dhaqanno horay u jirayna waa nusqaamaan, amaba tirtirmaan.

Sidaad ka garan karto buugga Dhimaal Dhaqan qoraa Bashiir M. Xersi(Ina Cubtan) wuxuu inoo soo soo gudbiyay dareen iyo fikir la xiriira xumaha ka muuqda dhaqanka bulshadeenna. Mowduuca Dhimaal Dhaqan waa mid xiriir la leh culuunta dhaqanka, bulshada, afka iyo cilmi-nafsiga. Buugga Dhimaal Dhaqan waa muraayad laga dhex arki karo isbeddelka ku dhacay dhaqankii wanaagsanaa ee bulshada Somaaliyeed.

Cinwaanka

Cinwaanka waa waxa ugu horeeya ee indhaheenu qabtaan, sidaa darted waa waxa nagu dhaliya inaan dooranno buugga aan rabno inaan akhrisanno. Erayada Dhimaal Dhaqan waa erayo qaafiyeedsan. Labada eray ee Dhimaal Dhaqan waxay wadaagaan xaraf-raaca DH. Marka la eego qaybta macnaha erayada ee cilmi-afeedka (semantic) erayga dhimaal waa erayada leh hal macno ka badan,waxaana erayadaas loo yaqaan “Polysemy”. Sida ku qoran qaamuuska Yaasiin Keenadiid ,macnaha erayga Dhimaal waa waxyeello.

Dhanka kale, sida ku qoran bogga “Arar iyo Afeef”, qoraa Bashiir ‘Ina Cubtan’ wuxuu erayga Dhimaal ku macneeyay eray-carbeedka Nusqaan ama Nuqsaan. Haddii aan faahfaahiyo aragtida qoraa Bashiir Ina Cubtan waxaa xusud mudan in masdarka erayga Dhimaal uu yahay Dhin. Erayga DHIN waa fal-amareed, waxaana loola jeedaa intii hore ka yaree; dhimis,dhimitaan. Haddaba, erayga Dhimaal wuxuu tilmaamayaa eray-carbeedka Nusqaan ama Nuqsaan.

Farriimaha muhiimka ah

Macluumaadka buugga Dhimaal Dhaqan waa kuwa ku salaysan cinwaanka iyo macnaha ballaaran ee uu soo gudbinaayo. Qisada Dhimaal Dhaqan waxaa lagala bixi karaa wacyi la xiriira dhaqanka dadka,kan xun iyo kan wanaagsan. Qoraa Bashiir ‘Ina Cubtan’ wuxuu tilmaamay dhaqannada xun ee bulshadeenna sida ballaaran ugu faafayo. Dhaqannadaas waxaa ka mid ah: ballanxumo, danaysi, xilkasnimodarri, quuriweyto, siinsawiran, gardiidnimo, tanaasul la’aan, qab quban iwm. Tusaale waxaa inoogu filan danaysiga , oo noqday xumaha dhaqanka ee aad u fidaya.

Farriinta danaysigu waxay u muuqataa dantaada dariiqaad u marto waa kuu xalaal. Cabsida ugu weyn ee ku soo wajahan bulshada Soomaaliyeed waa dhaqan-guur. Amiirka abwaannada Axmed Showqi waxaa laga hayaa:

“ummadaha waxay ku joogaan waa akhlaaqda, haddii akhlaaqdu ay ka tagto iyagana way lumaan’’.

Farriimaha Dhimaal Dhaqan waxaa lagu qurxiyay suugaan kala duwan. Tusaale,waxaa xusid mudan suugaanta Caqligeenna Caldharan (fiiri bogga 33):

“Saddex laguma dhaamee, saddex yaan lagaa badin.

Siin laguma dhaamee, sawir yaan lagaa badin.

Soosaar laguma dhaamee, safar yaan lagaa badin.

Saluug laguma dhaamee, sirta yaan lagaa badin”.

Qoraa Bashiir ‘Ina Cubtan’ wuxuu si xirfadaysan u soo bandhigay sida dadka dhaqanka xun marnaba u dhawrin dhaqanka dadnimo ee bulshada.

Gunnaanad

Adduunyada waxaa wax lagu beddelaa fikir iyo waxqabad wada jira. Waxaa ii muuqda maanta ifafaale wata rajo wanaagsan,kaasoo horseedi kara in laga wada sheekeysto xumaha ku saabsan dhaqankeena. Waxaa maanta loo baahan yahay in kor loo qaado wacyiga la xiriira dib u soo noolaynta dhaqankeennii wanaagsanaa.

Abwaan Cabdi Muxummad (a.u.n.) waxaa laga hayaa tixdan hoos ku qoran;

“Badbaado haddaadan rabin

Ba’aaga aadan ogeyn

Weliba isla bilacsan tahay

Bukaan inaad tahay ismoog

Miyaad moog tahay bulshooy”.

W.D. Prof. C.Qaadir Ruumii

SHEEKOOYIN