MAR-MAR-SIINYO   Q. 2aad    W/Q. XUSEEN M. CABDULLE (WADAAD)                                

MAR-MAR-SIINYO   Q. 2aad

XUSEEN M. CABDULLE (WADAAD)

huswadad@hotmail.com

huswadad@gmail.com

Cirguduudkaan kii ka horreeyay ayuu ahaa milaygii ay tabyadu bilaabatay. Waa muggaas muggii reerka mininka jiifayna la wada jafay. Jafiddaasu ma aysan ahayn mid loo kala aabba yeelay yaa raacdayn geli karo iyo mulqaha oo hawshaas aan wax ku lahayn. Cidna looma dhaafin in uu jiifka ku sii barqoheraadsado.

Barqaheraadsigu, waxa uu sidiisaba ka jiraa meelaan hawlu aallin, kuwa joogaahina yihiin malaha hawl-laawayaal.

Habeenku waa sii siqayay, cirkuna wuu cufnaanayay. Waa ha sheegin iftiinkii, xiddigihii iyo bishii dhulka iftiimin jiray, muggaan xaalku waa xaad ii dhiibatay. Isha minii farta juluq lagaa siihaayo arki maysid.

Waxaa weli is-haysta oo aan kala go’ toosa lahayn waa gugaca iyo biriqda, mugna isku mar maqalka iyo aragga helayaan, mugmugse kala dambeeyaan. Roobku, isaga maasigaaba roogsadayba tanya saakaydii waaga shukukux iyo shababaxda gurayo.

Haddii laga yimaad jawigaas iyo cimiladaas, haddana dadku, waxa ay dareemayaan cabsi kaloo ka xoog badan oo gudahooda curjihayso. Dareennadaas cabsida ah, xitaa wejiyada mulqaha waa laga aqrisan karaa, waa minaad hee dareen aqrisyadaas wax ka kasayso tahay.

Rabtaan iyo Rabtaasba, dhiillaa ku soo foogane yaa hee garan karo? Yaase awooddeeda ka hor tag leh? Waa milaygii AUN Cabdi Muxumud Amiin lahaa:

Mugga horeba duul

wada jiraa gaara danahooda

kala daadsanaantu waxay

ka timi waa dugaagnimo e.

Duq Rabbeeye iyo Oday Caalwaaye waxay ahaayeen dad aad isugu xiran oo dareen wadaag ah, Waxa ay kala joogaan labada daraf ee buulada, haddana mid kastaa waxa uu la koodaa, farriimo iyo talana waydiiyaa widaygiisa kale, midkood mugga uu miciin ama gurmad u baahdo kan kale oo dhambashiisa ku jiifo ayuu dhambaal dhiileed u dirsadaa, kan kalena si aan hagari ku jirin ayuu uga soo jawaabaa dalabka rafiiqiis.

Waxa ka dhexeeyay lamadaan widaay minaad si qumman u maqasho waad yaabee, waa far iyo faraantigii la sheegi jiray.

Dhuxuley Godane, ayaa waxa ay tiri: Cawo ka mida cawooshinka ununkoo wada hurudno, anna mugaas aan Unturo umul kula jiro, Oday Rabeeyena aqalka hortiisa gedicad u jiifo, ayaan maqalnay cabaadka Ratigi jaw ee biyadhaaniska cidda ahaa. Foogtana, odayga iyo igaarkiisa ayaa u madlanaa in ay meel lama biri loo dhaxaayo cidda Biya uga jarshaan. Waxa cabaadayana waa Ratigi lagu dhaan tegi lahaa.

Oday Rabeeye, waxa  uu ahaa oday fariid ah, kolkii cabaadka mug jaw yeerayba waa boodyay, aqalkana dib u soo galay warankiisana la booday, waxaanse maqlaa odaygi oo aad u qabto in uu Mobilkan cusub ku warramaayo, waxa uu farriin u diraa waa Saaxiibkiis Caalwaaye.

Hore waa maqlay in odayadu sheekaystaan iyagoo kala maqan, muggaanse xaalku waa hortayda, si cad ayaan u maqlaa waxa dhex maraayo lamada oday.

Oday Caalwaaye, ayaan codkiisa ka maqlaa:  Wuxu, waa Aar Libaax e yuuna dagnaan kugu dilin ee feejignow, mugga uu dhiig dhadhansho naftiisa ayuu u hura, waana halise. Waad ogatahay Carro Dooyaan jiraa, saacaanse jidkaan ku soo jiraa. Ciil badnaa rabtaan jiro waxa helay Rabeeye. Dhuxuley, waxa ay xaqiijisay waxa ka dhexeeyo widaayada rumaad.

Midka ila socdow, adiga dooddaada, ma dhici karto iyo haa, mayadaada hayso.

La soco Q.xiga

W/Q. XUSEEN M. CABDULLE (WADAAD)

SHEEKOOYIN