Xaaji Maxamad Axmad Liibaan ‘Axyaa Waddani’ iyo Kulanka “Islamic Literatures in Sub-Saharan Africa: Written and Oral Legacies”
Jaamacadda Napoli ‘L’Orientale’ waxaa lagu qabtay “The International Conference” oo cinwaankiisu ahaa “Islamic Literatures in Sub-Saharan Africa: Written and Oral Legacies” lana qabtay maalminnadii (1-2 July 2025) waxaana hormuud u ahaa prof Andrea Brigaglia iyo prof Martin Orwin. Kulanka waxaa ka soo qaybgalay barayaal, baarayaal, arday iyo daneeyayaasha aqoonaha la xariira Afrika, oo ka kala socday jaamacadaha ay ka midka yihiin: Napoli, Cagliari, Toronto, La Sapienza, Calabria, Bayero, Eduardo Mondlane, Hamburg, Bruxelles, Lagos State, Urbino “Carlo Bo”, Cape Town, Bergen, Africaine d’Adrar, Padua. Jaamacadahan waxay ku kala yaallaan qaaradaha dunida.
Prof. Martin Orwin iyo Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’, oo ka socday isla jaamacadda kulanka lagu qabtay ee Napoli, ayaa waxay soo jeediyeen halbeeg ku saabsanaa “Form and language use in the poetry of Maxamad Axmad Liibaan ‘Axyaa Waddani’ (1904–1989)” oo ay ku jireen qayb maalmintiisii ah, oo ku saabsanaa sooyaalka xaajiga, bandhigga qasiisaddii “Oroobbo”, sharraxaad iyo faahfaahin ku saabsan maansada iyo miisaanka maansada.
Billowga, Xaaji Maxamad Axmad Liibaan oo ku magacdheeraa ‘Axyaa wadani’, wuxuu sanadkii 1904tii ku dhashay magaalada Xarar Dheere oo ka tirsan gobolka Mudug. Qoys diineed ayuu ka soo jeeday, oo aabbihiis, Axmad Liibaan, waxa uu ahaa macallin quraan, diineed iyo wadaad saahid ka ahaa degaannadaa iyo gobolka Mudug. Toddobo sano jir isaga oo ah, ayaa Axyaa Waddani dugsi quraan la geeyey, ka dibna wuxuu u gudbay barashada aqoonaha diineed iyo afka carabiga sida; fiqiga, xadiiska, tafsiirka, siirada, naxwaha, sarfiga, balaagada, mandiqa iqk.
Xaaji Maxamad isaga oo aan 20 sano gaarin ayuu guursaday, halka loo igmay, in uu macallin quraan iyo bare diineed ka noqdo degaanka Burjirriqo ee agagaarka Xarar Dheer, halkaasi oo uu bare quraan ka ahaa 8 sanadood, isaga oo markii dambana loo aqoonsaday darajada khaliif, maadaama uu ka mid ahaa hormuudka Axmaddiyada degaankaas.
Curinta maansada sida ku cad waraysi laga qaaday, waxaa u horreeyey gabaygii uu ugu baroordiiqay xaaskiisa oo si kadis u geeriyootay 1926kii, wuxuuna gabaygii “Dhibbaan” ku yiri:
“Haddii Eebbahey loo dhimaa, dhaxan dabeyleeye
Dhibbaan waxeygu taal, dhaawac aan dhibid ka aalleyne
Bergaan luxudki dhuudhuubay, yaa dhoobku ii dumaye
Dabadeed naftaan dhicine, waan dhega dammoonaaye
Waan dhuuma waayee guryuhu, i ma dhaqaaleyne
Haddaan dhowr habeen dhaxo, goglaha iguma dhowraane”
Ka dib wuxuu u socdaalay safarka ugu qiimaha badan nolosha ee Xajka, halkaas oo uu aqoon diineed kale ka soo dhaatay, oo uu ku sii kabay, tii uu hore guriga iyo culimada kale ka bartay. Markii uu soo laabtana wuxuu halkii ka sii waday baridda iyo faafinta quraanka iyo diinta.
Halgankii xorriyadda loogu jiray, markii la yagleelay ururkii markii dambe ku xasilay SYL, wuxuu ka noqday xubin buuxda, oo uu si fiican uga dhexmuuqday, heer loo aqoonsaday “Gabyaagii Leegada”, sida uu afkiisa iyo eraygiisa ugu dhiirrageliyey ama ugu digay Soomaalida.
Xaaji Maxamad Axmad Liibaan wuxuu ahaa maansoyahan, afyaqaan, dhaqanyaqaan, bulsho hage, daaci diineed, halgamaa, oday dhaqameed, hoggaamiye iyo aqoonyahan. Maansadiisu waxay ka hadashay mawaadiicda ay ka midka yihiin: lammaanaha, qoyska, guurka, waalidka, beesha, bulshada, nolosha, halganka, gumaysiga, xorriyadda, dawladnimada, calanka, siyaasadda, hoggaaminta iqk. Sida kale, wuxuu maansooyin ku tiriyey af carabi, sida kuwa af Soomaaliga ah looga daalacan karo, aqoonta uu sidoo kale u lahaa af Talyaaniga. Sida uu ku sheegay waraysi laga qaaday, Axyaa Waddani, wuxuu tiriyey qiyaas ahaan 600 oo maanso, oo aan weli la diiwaangelin badidood.
Sida kale, Gabyaagii Leegadu wuxuu xubin firfircoon ka ahaa Akaadeemiyaddii Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, sida uu ka mid ahaa odoyadii marjica u ahaa qorista Qaamuuska af Soomaaliga. Eebbe ha u raxmadee, Xaaji Maxamad Axmad Liibaan wuxuu Luulyo 24, 1989 ku geeriyooday gurigiisa oo yaalla magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, waxaan halkan idiin kugu soo gudbinaynaa qasiiddadii kulanka aqooneed lagu soo bandhigay laguna falanqeeyey, ee “Oroobba”. Qasiiddadan Xaaji Maxamad wuxuu tiriyey xilli adag oo uu marayey halganka madaxbannaanidoonka, dalkana ay ka dhacaeen bannaanbaxyo, qulqulatooyin, iskahor-imaadyo iyo dilal, halka uu siyaasi C.Laahi ciise iyo wafdi ay hoggaaminayey ay u tageen Niyoo Yoork si uga qaybgalaan shirka golaha midoobay, fadhi ku saaabsanaa Soomaaliya, isaga oo C.Laahi halkaas ka jeediyey hankii, himiladii iyo hilaaddii Soomaalida, walow ay dhanka kale jireen ururro boro-talyaani ahaa, oo jeedinayey aragtiyo taa lid ku ahaa. Qasiiddadii “Oroobba”waxay leedahay sidan:
“Allaah Allaahu Yaa Raxmaan
Allaah Allaahu Yaa Raxiim
Allaah Allaahu Yaa Kariim
Allow ajiib waxaan iraah.
Ilaahii uunka uumayow
Addoomankiis ahaannayow
Sidaan u iillanayn ogoow
Ayaan Oroobbo noo adkaan.
Es Waay Elbaa uruurtayoo
Un-ay akhbaaro aaddiyeen
Addoonnimaan ku iilannee
Ayaan Oroobbo noo adkaan.
Ardaalladii uruurayoo
U iishay uumatay cunaan
Ka eexday arrinkaan rabnee
Ayaan Oroobbo noo adkaan.
Ilaah og eexda kii wadoon
Illaawin kii ambiib ahow
Adaan ku aammin saarannee
Ayaan Oroobbo noo adkaan.
Anaaniyaan ku iilannoo
Bar uunka aakhiruu jiraa
Intii an laysku keen idleyn
Ayaan Orobbo noo adkaan.
Agoon aytaamtay baan nahoo
Ifriiqiyaan ku oommanayn
Ishaa iftiin u muuqatee
Ayaan Oroobbo noo adkaan
Awaal ninkii ilduuganaa
Gar eex leh loo adeejiyaa
Ambiibnimuu ku aakhirtee
Ayaan Oroobbo noo adkaan.
Adduunku waa ayaan dhaxoo
Abaaryo aaran ways xigaan
Ilaah waxaan ahayn ogow
Ayaan Oroobbo noo adkaan.
Islaam ninkii iqraarayoo
Ilaah Waxdaanidiis ogoow
Ha iibsan reer Ifriiqiyoo
Anfaaci yuusan kuu adkaan.
Insaanigiinnu waa Islaam
Arxaamna waysu muujisaan
Ixsaanna waysku haybsataan
Siyaaso yey idiin adkaan.
Amxaarya reer Oroobbiyaan
Ixsaanka ay abuurayaan
Addoonnimaan ka aawilnee
Siyaaso yaysan noo adkaan.
Waa markii u horreysay, oo bandhig sidan oo kale ah lagu soo bandhigo maansooyinkii Xaaji Maxamad Axmad, manase noqon doono, oo waxaa jiri doona qoraallo kale iyo in la buugeeyo maalmintiisii iyo maansadiisii.
W.Q. Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’