QAB IYO QUURSI: Faallo kooban | qore: Cali M. Diini

QAB IYO QUURSI

Faallo kooban

Maalin aan sidii u sii fogayn waxaa i soo gaaray labo bashqadood oo ay ku jiraan buugaag la iiga soo dhiibay Hargeysa, Nayroobi iyo Iswiidhan. Waxaa buugtaas ka mid ahaa saddex buug oo sheekafaneed ah oo labo ka mid ah ay qorayaal Soomaali ah af Soomaali ku qoreen. Judhiiba labadii Soomaaliga ahaa ayaan boorso garabka ii surnayd ku ritay, boorso aan ku qaato buugaagta kolkaas ii kala furan. Dhab ahaan buug falsafadeed oo ku jiray baan ka saaray boorsada si aan kuwa cusub boos ugu banneeyo.

Marka buug sheekafaneed Soomaali ahi gacantayda soo galo waa ku farxaa sidii ilmo aan dhalay oo safar halis ah ka soo noqday oo kale, waan soo dhowaystaa si aanan buugta kale u soo dhowaysan. Sababta ma taqaan? Kow, qoraaga Soomaaliga ah ee wax ka qoraya wax la xiriira siyaasadda iyo sooyaalka Soomaalida marka kaliya ee run sheego waa marka uu sheekafaneed qorayo. Laga yaabee in aan halkaa xoogaa ku xagjiroobay, laakiin dhab ahaan sidaas ayaan dareemaa. Labo, sheekafaneeddu waa wehel aan jecel ahay oo aalaaba aan dhaxanta nolosha iyo darbooyinka waayaha ka dugsado.

Labada buug ee sida gaarka ah aan u soocday waa QAB IYO QUURSI: Halgankii Koombe, iyo FIJIYAAYO Waxa aan ku hormaray Qab Iyo Quursi oo ah buug muddo dheer aan baadigoobayey in badan la ii tilmaamayey in aan akhrinayana la igu la talinayey balse aanan nasiib u helin hadda ka hor. Qormadan waxa aan doonayaa in aan akhristaha wax uga taataabto waxii iiga baxay Qab Iyo Quursi.

Qab Iyo Quursi waxaa qoray Cabdi Faarax Juxa waxa uu na soo baxay sannadkii 2008, laakiin nuqulka aniga ii soo gaaray waa daabacaaddii saddeexaad oo sannadkii 2021 la daabacay. Afafka Ingiriisiga iyo Faransiis ayaa buugga loo turjumay. Buuggu waa halabuur, gaar ahaan, jaadka loo yaqaan qudhkahadalka. Shakhsiyadda sheekadu ku saabsan tahay ahna kan sheekada noo tebinayaa waa Koombe oo nooga warramaya halgan iyo socdaal nololeed oo toddobaatanaadkii qarnigii hore ka bilaabanaya waqooyi-bari Soomaaliya sagaashanaadkii isla qarnigaas ku dhammaanaya Yurub. Sheekadu waxa ay ku bilaabanaysaa Koombe iyo walaalkii oo reerkoodii miyiga degganaa ka dhuumanaya dabadeedna tegaya magaalada Qardho oo ah ku kala lumayaan. Wiil ama gabadh miyiga ka fakanaya/sa waa qodob qorayaasha Soomaalida ee sheekafaneedda qoraa uusan qalinkoodu seegin. Koombe nolol kakan iyo reer magaal arxandaran ayuu magaalada ku mudanayaa. Shaqo xammaali ah xoogaa waxbarasho ahna magaalada waa uu ka helayaa. Laakiin sannado yar ka gadaal waxa uu go’aansanayaa in uu dalka ka cararo oo fallaago Soomaali ah oo Itoobiya ka soo jabhadaysa ku biiro, ka dib markii uu u adkaysan waayo gaboodfallada ay xukuumadda kelitaliska ahi qabiilkiisa ku hayso. Ha se yeeshee, jabhaddii uu ku biiray waxa ay noqonaysaa mid aan waxba dhaamin taliskii arxanka darraa ee uu ka soo cararay. Nolol iyaduna arxandaran ayuu Itoobiyaku mudanayaa. Ugu dambayn Koombe deeq waxbarasho ayuu ka helayaa dalkii Czechoslovakia la oran jiray.

Sheekadu waxa ay toosh ku ifinaysaa arrimo ay ka mid yihiin gaboodfalladii xukuumaddii ciidanka ee kelitaliska ahayd ee Soomaaliya ka arriminaHow theysay, saboolnimada iyo qabyaaladda, dhaqannaddii jabhaddii Itoobiya fadhiday, nolosha adag ee dhallinyarada miyiga ka soo yaacdaahi ay magaalooyinka kala kulmaan, qaxootinnimada iyo burburka qoysaska qurbaha, xiriirrada haasaawe ee ragga iyo dumarka dhexmara iyo haqabtiridda dareennada xawaannimo ee qofka, iyo mawduucyo kale. Qoraagu si adag oo aan naxariis lahayn eed iyo dhaliillo u wada huwinayaa xukunkii askarta iyo jabhadihii la dirirayey, iyo guud ahaan diriraha iyo colaadaha qabyaaladdu ku iidaaman tahay ee Soomaalida u dhexeeya. Waxa uu tilmaayaa sidii foosha xumayd ee Soomaalida reerguuraaga ahi dawladnimadii ay gumaystayaasha ka dhaxleen u dhalanrogeen uga dhigeen tulud geel (Maandeeq) oo qolo waliba rabto in ay kaligeed maasho oo caanaheeda ka durduurato. Waxa uu tilmaamayaa sidii ugu dambayn ay Soomaalidu Maandeeq u boqnagooyeen dabadeedna ay harageeddii isugu laayeen oo huf iyo baabah isaga dhigeen.

Kolka aad sheekadan akhrinayso waxa aadan ka ilfuufayn sida xiriirrada dumarka iyo raggu sheekada ugu marriiman tahay, oo aad mar mar is oranayso malaha qoraagu aad buu ugu talax tegay ka sheekaynta Koombe oo gabadh jacayl (galmo) la wadaagaya, ama doonaya in uu dareenkiisa jidhka hablaha u oomman waraabiyo. Bogagga bilowga ahba waxaad kula kulmaysaa Koombe oo Jardiin cidlo ah habeen dhaxan ah keligii fadhiya maadaama uusan haysan hoy uu u hoydo, dabadeedna islaan jidka maraysa shilimaad uu haystay u taagaya isaga oo ku oranaya “eeddo caawa i hoo/seexi” iyo islaantii inta ay cadhooto Koombe u gacanqaadaysa ka dib na boliis ku dalbanaysa iyada oo ku eedaynaysa in uu ku sheegay dhillo jidhkeeda ka ganacsata. Mar kale, waxaad u tegaysaa Koombe oo guri lagu dhillaysto habeen madow u sii gaatamaya. Meelo kale oo buugga ah waa Koombe oo hablo Itoobiyaan ah iyo kuwo caddaan ah jacayl la wadaagaya. Mawduucan oo ah mid Soomaalida dhexdeeda taabuu ka ah qoraagu ka ma xishoonayo ee afka iyo qalinkaba waa uu ku balballaarinayaa. Dhab ahaantii, mawduuca galmada ku saabsani waa iidaanka sheekadan iyo marriinka buugga oo dhan. Waxa aad xusuusanaysaa Mustafa Saciid kii ku jiray buugga Mawsim al Hijrah ilaa Shimaal ee Dayib Saalix, iyo buugga Post Office ee Charles Bukowski.

Habtebinta sheekadu waa mid isku dhafan. Qaybaha hore ee sheekada waxa aad jeclaysanaysaa hannaanka sare iyo tiraabta suugaamaysan iyo af Soomaaliga hodanka ah ee qoraagu sheekada ku tebinayo, oo mar mar baa qosol feeruhu ku la xanuunayaan. Laakiin kolka aad qaybaha dhexe ee buugga gaarto xoogaa waad niyadjabaysaa waxa aadna ku dhowaanaysaa in aad illowdo in aad akhrinayso buug sheekafaneed ah oo waxa aad u malaynaysaa in aad dhegaysanayo weriye kaaga warramaya socdaal uu dhowaan ka soo laabtay. Laakiin qaybaha dambe ayaa xoogaa dib kuugu soo celinaya firfircoonidii iyo dafdaftii aad buugga akhriskiisa ku bilowday. Waxyaalaha kale ee inta aad akhriska buuggan waddo ku niyadjabina waa gefaf tifaftir oo buugga ku jira, iyada oo buuggu daabacaaddii saddeexaad marayo, walow aysan gefafkaasi badnayn. Tusaale ahaan, bogga 52-aad waxaa ku jira baaragaraaf Ingiriisi ku qoran oo sheekada buugga wax xariir ah aam la lahayn. Gefafka kale waa khaladaadka dhanka higgaadda iyo kala sikinta erayada ku saabsan.

Guntii iyo gunaanadkii, buuggani waa mid ka mid ah ku kuwa xiisaha badan buugaagta sheekafaneedda ah ee afkeenna ku qoran, qofkii aan akhrinna in uu raadsado ayaan ku la talinayaa.

 

Qore: Cali M. Diini

SHEEKOOYIN