MAR-MAR-SIINYO W/Q. Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)

MAR-MAR-SIINYO

W/Q. Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)

huswadad@gmail.com

huswadad@hotmail.com

Waxa ay ahayd labada cirguduud kiisa dambe, balse muggaan aanay muuqan casuuska qorrax sii dhaca lagu yaqiin xilligaan oo kale. Waxa iftiinkii yaraa ee muuqan jiray daboolay hugaan roobaad galabta casarkii intaan la gaarinba cirka sii daboolatay. Dhibic roobaad dis ma leh, samaduna waa dedan tahay, dednaan keliyana kuma eko e mug mug ayay hillaac iyo gugac wada socda soo tuuraysaa.

Dadka ku nool labada dacalba, waxa aad u qabtay in ay heleen siin meel dheer laga soo diray oo la leeyahay gabbalku yaanu idiinku dhicin mininka bannaankiisa ama meel aan ahayn aqalka daaqilkiisa.

Duq Rabbeeye, isaga oo saanta boobayo dhidid aan qumanaynna garkiisa ka tisqaayo ayaa waxaa dhinaciisa bidixeed ka soo baxay oday Caalwaaye oo isna dheg la qabto lahayn, argagax daranna uu ka muuqdo.

Hal tabiin ayay is qabteen indhaha odayada, mid kastaana waxa uu ka naxay kan kale fajaca ka muuqdo. Midkoodse itaal ama awood uma helin in uu juuq iyo jaaq u yiraa midka kale.  Waxase aad moodday in ay sidaas ku wada hadleen oo uuba  isfaham dhex maray. Malaha aragga indhaha iyo laabta ayuu ahaa is af-garashadaasu. Yaaba hoos kuugu sheegaayo hee, goorba hee waa saas. Ma ogi.

Oday Caalwaaye, isaga oo neeftuurayo ayuu illinka ka galay aqalkiisa, inta aanu hore u sii gudbinse si qaylo xabeeb iyo qufac leh ku yiri: Ilmihi aaween? Yaa maqan? Codkaasu, waxa uu ahaa mid nimaadnimo uga soo baxaayay, ma ahane, ma ahayn mid kale!

Hal mug ayay dhowr ilmo wiilal iyo gabdho aan wax wayni kala roonayn mug jaw isla yireen: Aabow, waa na kan.

Macsaro Rooble, ayaa iyadana berkaas ka soo hilhilatay, iyada oo duqa hin-raaggiisa iyo qufaca iyo dhiilada hadalkiisa ka muuqata ka yaabban, ayaa la soo booday: Odaygiyow, xaa ku helay bisinka iyo yaasiinkee?

Waa dad is yaqaan, is xog og, is neef-yaqaan. Waxa ay garataa codka Xaajiga ka soo baxaayo in uu yahay mid dhiilaysan oo aan caadi ahayn.

Caalwaaye, juuq ma celin, mana ka jawaabin su’aasha Macsaro Rooble, balse waxaa odayga xagiisa u kala kuday ilmihi lahaay Aabow waa na kan.

Rubuca oo ilmaha u yarayd qiyaastiina ahayd lama jir socod barad ah, iyada waaba la sii dardaray intii oday Caalwaaye loo kala kudayay. Rabtay ku dhacdayna kama kicin oo rabteeda ayay waa waa ka leedahay, yaase u juuqaayo. Ilmihii kale waxa ay isku duubeen Aabowgood oo ay nafi ku sii daba yar tahay.

Muggaan ay saas isugu wada mareen ilmuhu, isagu dhulkaa la wareegayo, araggunna waa ka sii madoobaahayay.

Oday Caalwaaye, waa oday xoog, dherer iyo lixaad u dhashay. Waxa uu ahaa yaraantiisa mid aan la legdin in uu isaga wax legdo maahine. Mase ahayn nin laq-dabaalow ah oo dadka surto, mise ahayn mid dulmi qaata ama xitaa u gigsan kara minow arko cid laga itaal roonyahay oo muruq loo adeegsaayo, waa muggaas mugga mirif inta lagu yiraa u qummo xagga dulmilowga fartakaxiran, meelna saara.

Waxa uu ahaa nin ka sheegan tuulada iyo geedka Makrilaaweba. Waxa uu ahaa ciirsi la ciirsado mugga ciirsi loo baahdo. Waxa uu wehel u ahaa danyar iyo marras badan oo tuulada/buulada iyo buulooyinka ku hareeraysanba degenaa.

Mugmugna waxaaba looga soo cid-dirsan jiray meelo kaloo webiga dacalkiisa kalaa.

Cirguduudkaan kii ka horreeyay ayay ahayd milaygi ay tabyadu bilaabatay.  Waa muggaas muggii reerka mininka jiifayna la wada jafay. Jafiddaasu maahayn mid loo kala aabba yeelay yaa raacdayn geli karo iyo mulqaha oo hawshaas aan wax ku lahayn, cidna looma dhaafin in uu jiifka ku sii barqoheraadsado.

La soco qaybaha xiga

SHEEKOOYIN