GORFEYNTA BUUGGA GEYLAME W/Q. Maxamed Kurtun

GORFEYNTA BUUGGA GEYLAME

Buugga “Geylame” ee uu qoray Xassan Maxamuud Qorane, waxa uu nuqul ka mid ah gacatayda soo galay Habeenkii la soo bandhigayey oo ku beegnayd 07/02/2025. Bandhigaas oo ay soo abuushay Damal Platform, laguna qabtay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Al-Jazeera.

Buugga uma helin wakhti aan ku akhriyo markii uu ganactayda soo galay, sababo dhowr ah dartood. Waa mid koowaad e, waxaa ii furnaa oo meel-dhexe ii marayey dhowr Buug oo kale. Waaa marka Labaad e, waxaan galay safar. Waxaan jaanis u helay aniga oo safar ah, in aan ku akhriyo diyaaradda dusheeda habeen Jimce ah taariikhduna ku beegan tahay 25/4/2025. Waxa aan dhammeeyey caawa oo ah habeen Axad ah taariikhduna ay tahay 27/4/2025.

Nooca Buuggu waa “Sheeko-faneed” waxa uu ka kooban yahay 321 Bog. Buuggu waxa uu ka hadlayaa nuxurkiisu haybsooc muddo badan ka dhex jiray bulshada Soomaaliyeed welina ka dhex jira. Waxa uu duur xulayaa xanuunka ay leedahay, in qof kula mid ah, muuq ahaan, diin ahaan, isir ahaan, deegaan ahaan, taariikh ahaan, hadana aad moodeysid in aydin wadaagin intaba, iyada oo aysan jirin qof fasiri kara sababta qayb bulshada ka mid ahi aysan ula sinnayn bulshada inteeda kale.

Waxa uu ka waramayaa bulshada qaybteeda la haybsooco, sida ay ula falgalaan faquuqa iyo qofba halka uu iska taago iyo xalka sida uu u arko. Qayb ka mid ah, waxa ay xalka u arkeen in ay ka guuraan haybta lagu nacay, una guuraan hayb kale, balse ku hubgoobay qorshahaas markii ay arkeen in si kasta oo aad reer kale u sheegatid aad reerkaagi hore ahaanaysid, si fududna aadan ku noqon karin reer kale. Qaar kale xalka waxa ay u arkeen in laga tago shaqada ay dadku u arkaan in ay hooseyso, iyaga oo la yimi xirfado kale oo laga heli karo hanti muuqata oo la taaban karo, bal si uu uga haro haysoocu, iyaduna waxba wey ka bedeli weydey dhibaatadii. Qaar kalena xalka waxa ay u arkeen in aan xalba la raadin ee noloshada sida ay tahay lagu aqbalo.

Geylame, markii uu arkay in xal kasta oo kale oo la isku dayey ay ku soo dhamaaden hal natiijo oo ah, in haybsoocu in uu sii kordho mooyee in uusan is bedeleen. Bulsho wacyi leh oo ka dagaalamaysana aysan jirin, dowlad isku hawsha oo ku dedaasha in bulshada la simo, cadaalad loo sameeyo iyadana wakeedaba daa, iska daa in ay wax ka qabato e, iyada ayaa lagu qaybsadaa hayb, oo kuraasta dad aan geyin in ay jiraan ayaa la aamisan yahay, ileen cidda shukaanta u haysaa waa isla bulshadii takoorka samaynaysay e.

Geylame, waxa uu xalka u arkayaa in cudud ciidan hadii la helo, dhibaatada haybsoocu xalismayso. Waxa uu u kaba ilanayaa sidii uu u noqon lahaa ciidan. Isaga oo u socda safarka uu ciidan ku noqon lahaa, ayuu safarka ku baranayaa gabadh lagu magacaabo Shamhaad. Shamhaad quruxdeeda iyo dabeecadeeda ayaa ad u soo jiidanaysa, qabligiisana qayb ka degeysa, ilaa ay magaaladii ay safarka u ahaayeen soo caga dhigtaan. Ileen waa magaalo e, qof walba dhanka uu uga socday ayuu u dhaqaaqay.

Geylame, waxa uu degayaa Hotel yar oo uu kharakhiisa iska bixin karo. Shamhaadna waxa ay tagaysaa Qasrigii ay ku noolayd. Geylame waxa uu tegayaa xero ciidan, oo markaa la doonayo in lagu qaato imtixaan ciidanimo, balse maadaama aan ciidanka la iska ka qori karin, lagama maarmaan tahay in aad heshid garab kugu garaba gala sidii laguu qori lahaa.

Geylame markii loo sheegay in haddii uusan haysan garab, aysan u suurta galayn in ay riyadiisii rumowdo. Waxa uu raadinayaa Generaal Keydsane, oo ay awowgii saaxiibo ahaayeen. Raadin dheer kadib ayuu tegayaa guriga Keydsane. Iswaraysi kadib, waxa uu maqlayaa cod uu moodayo in u ku riyoonayo, waa codkee? Waa codkii Shamhaad. Muuqeeda ayuu dhowrayaa, mise waa iyadii. Ugu danbayn guriga yuu qayb ka degayaa. Waxa halkaa ka bulaalaya jacalka isaga iyo Shamhaad, kuna dhamaanaya dhibaato nooc kasta leh kadib, qaab laga fahmayo in ay isguursanayaan balse uusan qoraagu aau cadeyneen, balse laga fahmi karo qaab gunaanadka sheekada, sabata dhibaatada keentayna waa haybsooca iyo ma geydid gabadha generaalka, maadaama aydin sinnayn dhanka bulshada dhexdeeda.

Qoraagu waxa uu adeegsanayaa intii awoodiisa ah ereyo Soomaali asal ah, iyo sugaan aan badnayn. Waxa uu meelaha qaar adeegsanayaa ereyo Af-ka Soomaaliga ku jira oo macna gaar ah loo yaqaan oraah ahaan iyo qoraal ahaanba, balse uu qoraalkooda uu dhalan rog ku samaynayo. Sida ereyga “dhilo” oo uu qoraagu u qoray dhi**0, wastada (isaga oo cabiraya hadal ah, nolosha aabeheed wastada ah) ayuu uu u qoray was**tada ah, waxaa suurta gal ah in uu qoraagu ka afgobaadsanayo dhawaaqa ereyadaas, oo haddii sida loogu dhawaaqo uu u qori lahaa aysan wax dhib ahi ku jabnaadeen. Waxaa ka haboonayd haddii uu ka afgobaadsanayo, in uu adeegsaso ereyo kale oo uu kaga maarmi karo.

In kasta oo hab qoraalka Af-soomaaliga meelaha qaar dood ka taagan tahay, hadana qoraagu waxa uu adeegsaday in uu kala qaado oraah isku xirnaanta ku haboon. Tusaale ahaan, waxa uu qoray ” wax la qaban karo na waa ay kooban yihiin”, waxa igala haboon in la isku qabto oo laga dhigo “wax la qaban karona wey yaryihiin”. Marar badan ayaad arkaysaa na oo keligeed taagan, waxa ay kugu khasbaysaa in aad dib ugu boqontid hadalka intiisa kale.

Waxa kale oo Buugga lagu dhaliili karaa habka haybinta qaybaha, oo aan isu dheeli-tirnayn.Tusaale ahaan Qaybta I waxa ay ka kooban tahay 25 Bog. Halka  qaybta II ay ka kooban tahay  165 Bog oo isku furan, taas oo xataa qofka akhrista ahi uu ku daalayo. Waxa ay ahayd in qaybuhu bataan, sila markaana aysan ka badan ugu badnaan 50 Bog.

Buugga waxa uu ku badiyey qoraagu dhibtaatada. Waxa uu ku bilaabmayaa dhibaato, ilaa sadarada ugu danbeeya laga gaaranayona dhibtu wey soconaysaa. Waxaa muuqata isu dheeli tir la’aan dhankaas ah.

Sawiridda dhibatada ayaa inta ay la fogaatay qoraaga, waxa uu faraha gacmaha ka jaray, dhowr melena ka jebiyey Geylame,  oo uu doonayo in uu ka dhigo nin askari ah, sida caadiga ahna qof faro go’an, horena jabniin u soo gaareen inta badan askarinomo looma qaato, qoraaguna ma soo bandhigin qaab uu ku xaliyey dhibaatada fara la’aanta markii uu tababarka qaadanayey, maadaama uu sheegayo in uu tababaro dalka iyo dibadabada uu soo qaatay.

Qoraagu waxa uu soo badhigay dhibaato lagu daray dhibaatooyin, si fiicaana wuu u sawiray dhibaatooyinka, balse xalka dhibaatada waxaad moodaa in uu san gaarin gunteeda. Haddii uu Geylame Guursado Shamhaad, ma xalinaysaa dhibaato bulsheed oo aan haysan Geylame keliya? balse haysata qayb dhan oo bulshada ka mid ah.

Haddii Guurka Geylame iyo Shamhaad uu qayb ka noqon karo xalka dhibaatada haybsooca, Geylame awoowgii ayaa guursaday gabadh uu u arkeyey in aysan is geyin markaa, balse markii uu guursaday waxba kama aysan bedelin haybsoocii. Intaa waxaa sii dheer gabadhii uu guursaday Geylame awowgii inta aan cid kaleba la gaarin iyadu sii waday haybsooca, iyada oo ku oranaysa haddii aadan qabiilkaaga bedelateen aniga ima heshiin.

Geylame waa uu ka dhabaynayaa hamigiisii ahaa in uu ciidan noqdo, waxaana gacan ka geysanaya Jeneraal Keydsane, oo og xiriirka jacayl ee ka dhexeeya Geylame iyo Shamhaad, una arka in uusan geyin gabadhiisa. Keligiina ma aha e qoyska dhan ayaa aragtidaa ka siman marka laga reebo Shamhaad oo iyadu ka xorowday haybsooca, ama aan dhahno qalbigeeda ayaa ka xoroobay. Geylame waxaa uu ka mid noqonayaa ciidan gaar ah, kuwaas oo loogu tala galay in ay ilaaliyaan madaxda dalka ugu saraysa, waxa uu tababar ku qaadanayaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Marka uu tababarka dhamaysto, waxa uu bilaabayaa shaqadii loo tababaray, waxa uuna uga soo dhalaalayaa sidii ay ahayd iyo si kasii fiican. Isaga oo raja fiican qaba shaqooyin amni oo deegaanada qayb ka jirayna guulo fiican ka keenay, ayey wax walba is bedelayaan. Waxa dhacaysa in uu qayb ka ahaa ciidanka soo dhoweynaya madaxweynaha, amnigiisa iyo amniga goobaha uu imaanayona qaabilsanayaa, ayaa waxaa loo dhigayaa qorshihii rajadiisa dib loogu dhihi lahaa, waxaana la fududeynayaa qarax lala eegtay goob uu madaxweynuhu joogay.

Nasiib wanaag, qaraxaasi madaxweynaha waxba ma yeelin, balse mas’uuliyadd darada waxaa la saarayaa Geylame, waxa ayna sabababaysaa in shaqada laga joojiyo, bulshdana dhexdedana loo arko in uu ka danbeeyey isku-day dil madaxweyne. Jeneraal Keydsane ayaa ugu danbayn kula talinaya Geylame, in uu wadanka dibadiisa aado, waxbarasho kalena doonto, kadib marka uu ugu manna sheegto in uu dil toogasho ka badbaadiyey, in uu dalka ka baxaana ay tahay badbaado uu naftiisa badbaadinayo.

Qoraagu ma sheegayo, cidda ka danbaysa qorshada isku-dayga dilka madaxweynah, kaalinta uu ka ciyaaray Jeneraal Keydsane. Geylame marka uu soo laabto, waxa uu gelayaa xabsi, muddo badan kadib marka uu ka soo boxo, qoraagu ma suuraynayo xaalku sida uu yahay, Keysane meesha uu ku danbayn doono, keliya waxa uu sawirayaa Shamhaad oo aan la guusran, balantiina ay Geylame ka qaadayna sideedii u oofisay.

Siinaariyaha sheekadu waxa ay ku qurux badnayn, in dalka uu isbedel ka dhoco, dowladii dulmiguna dunto, ileen dulmigu sidiisaba dhamaad ayuu leeyahay e, kadibna dowlad caadil ahi meesha ka dhalato, Geylamena loo yeero, lana maamuuso, jagada ciidanka ugu saraysana loo dhiibo, daalimiinta iyo inta xoolaha uma ku naaxdayna ay u qaybsamaan kuwo cararay iyo kuwo la maxkamadeyey. Geylamena uu si sharaf leh u guursado Shamhaad, dowladuna ay ku dadaasho sinaanta bulshada, xeerer iyo qorshayaal waaweyna loo dejiyo sidii arintaa loo fulin lahaa, qof kastana lagu ixtiraamo aqoontiisa iyo khibradiisa, shuruudaha shaqadana meel fagaare ah lagu soo dhejiyo qofka buuxiyaana uusan u baanan cid kale.

321 Bog oo uu Buuggu ka kooban yahay, inta aad akhrinaysid, wey yar tahay inta ku farax gelinaysa, marka loo eego inta murgada xiyo dhibaatada ka hadlaysa. Waxa ay ahayd dhibaato aan la soo koobi karin, marka ay qof ama bulsho qabsato, dhibaada iyo culayska waxaa ku xiga wanaag iyo fudayd. Waxa ay ahayd in uu qoraagu adeegsado murtida Soomaaliyeed ee oranaysa:

“dhibta laguma waaroo dhaxal looma yeeshee waa laga dhammaada”

Ugu danbayna qoraagu waxa uu ku dedaadalay in uu cabiro dhibaato inta badan bulshadu la nooshahay balse aan wax badan la iska weydiin, dood furan laga gelin, qalinkana loo qaadan, si guun ahna loo lafa gurin.

 

Maxamed-Kurtun

27/04/2025

 

SHEEKOOYIN