Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Falanqaynta qaar ka mid maansooyinkaa ‘Ina Cubtan’ W.Q. Zakariye Salaad

Falanqaynta qaar ka mid maansooyinkaa ‘Ina Cubtan’
W.Q. Zakariye Salaad
Hordhac
Suugaanta Soomaaliyeed waa mid hodan ah oo leh taariikh dheer oo soo jireen ah. Waxay ka tarjumaysaa dareenka, fikirka, iyo aragtida bulshada Soomaaliyeed ee ku aaddan nolosha, dhaqanka, iyo arrimaha bulshada.
Bashiir M. Xersi oo loo yaqaan ‘Ina Cubtan’, waa qoraa Soomaaliyeed oo caan ku ah curinta maansooyinka iyo qoraallada kale ee suugaanta, arrimaha bulshadda, taariikhda, dhaqanka, afka, falanqaynta iyo weliba oddroska siyaasadda iqk. Waxa uu si weyn uga qeyb qaataa horumarinta suugaanta, afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Buugaagta uu qoray waxaa ka mid ah “Hilaadin” iyo “Dhimaal Dhaqan”, kuwaas oo si qotodheer uga hadlaya arrimaha bulshada iyo dhaqanka.
Maansadiisa “Dad waxaan dhexjoogaa” waxay si qotodheer uga hadlaysaa arrimaha bulshada iyo sida ay bulshadu uga sii jeesatay kuwa u dhaqdhaqaaqa samaha iyo cadaaladda. Maansada “Hal Aqoon” waxay si gaar ah u taabanaysaa arrimaha aqoonta iyo sida ay bulshadu u fahamto erayga “Aqoon Yahan”. Abwaanku wuxuu tilmaamayaa in erayga “Aqoon Yahan” uu leeyahay miisaan culus oo aan qof walba loogu yeerin karin. Sida erayada “Aftahan”, “Nabaddoon”, ama “Abwaan” ay tilmaamayaan sifooyin milga leh, ayuu abwaanku soo jeedinayaa in erayga “Aqoon Yahan” aan loo adeegsan qof aan u qalmin.
Qiimaha Aqoonta
Maansadu waxay iftiiminaysaa sida aqoonta iyo garaadka ay muhiim ugu yihiin bulshada, iyadoo tilmaamaysa in aqoonta aan lagu heli karin orod, adduun, awood, ama itaal. Sidoo kale abwaanku wuxuu ka hadlayaa sida aqoonta iyo ogaalku ay muhiim ugu yihiin fahamka diinta iyo dhaqanka.
Maansadu waxay si indheergardnimo ah uga hadlaysaa dhibaatooyinka ka dhasha aqoon la’aanta iyo sida ay bulshadu ugu baahan tahay aqoon dhab ah oo wax tar leh. Abwaanku wuxuu tilmaamayaa in aqoonta iyo garaadku ay yihiin waxyaabo muhiim u ah horumarka iyo badbaadada bulshada
Falanqeynta Meerisyada Qaarkood
1. Aqoontiyo Garaadkiyo
2. Xiska iyo ogaalkuba
3. Il ma qabato
Garashada iyo dareenka waa laba awoodood oo muhiim ah oo qofka ka caawiya inuu fahmo oo uu qiimeeyo xaaladaha kala duwan. Garashadu waxay ku salaysan tahay aqoon iyo xog ururin, halka dareenku uu ku salaysan yahay fahamka iyo suuraynta waxa aan muuqan. Marka indhuhu aysan qaban karin wax muuqda, dareenka ayaa ka caawiya qofka inuu fahmo oo uu qiimeeyo xaaladda.
“Wixii aan indhuhu qaban, dareen baan ku eeggaa.”Murtidan waxay tilmaamaysaa awoodda qofka ee garashada iyo dareenka. Marka indhuhu aysan qaban karin wax muuqda, dareenka ayaa buuxiya booskaas, isagoo suuraynaya waxa aan muuqan. Tani waxay muujinaysaa in abwaanku leeyahay awood garasho iyo dareen fog oo uu ku fahmi karo waxa aan muuqan ama aan si toos ah loo arki karin taas oo ka dhigan in uu leeyahay dareen bulsho oo xooggan.
4. Orod iyo Adduun iyo
5. Awood iyo itaal iyo
6. Afti laguma heli karo
Meerisyadan, abwaanku wuxuu sii adkeynayaa fikradda ah in aqoonta aan lagu heli karin waxyaabo muuqda ama awoodda jirka. Wuxuu tilmaamayaa in aqoonta ay tahay deeq Eebbe bixiyo oo aan la heli karin iyada oo aan la helin faham iyo garaad sarreeya.
Maansada ‘AL’
1. Is weydii DADWEYNOOW
2. Inta kale ARDAAL iyo
3. Uskag iyo FUSAAQ iyo
4. Ma INKAAR qabyaalbaa
Maansadan “AL” waxay si waayo aragnimo leh uga hadlaysaa arrimaha bulshada iyo sida ay bulshadu u fahamto xaqiiqada iyo xaq-darrada. Abwaanku wuxuu tilmaamayaa in bulshadu ay ku mashquulsan tahay waxyaabo aan muhiim ahayn, isagoo soo jeedinaya in la fahmo xaqiiqada dhabta ah.
5. Isla WEYNI aan jirin
6. Iyagaa YAQAANNO
7. ASAL gaara sheegtoo
8. Bidci iyo IBLIIS iyo
9. QURAAFIGA uraayeey
10. Inta kale ku shaagan.
Meerisyadan, abwaanku wuxuu tilmaamayaa in dadka qaar ay sheegtaan asal gaar ah iyo isla weyni aan jirin, isagoo soo jeedinaya in laga fogaado quraafaadka iyo bidciga.
Gunaanud
Gabagabadii, Abwaan Bashiir M. Xirsi ‘Ina Cubtan’ waa indheergarad leh awood garasho iyo dareen fog oo uu ku fahmi karo xaaladaha bulshada iyo arrimaha muhiimka ah ee nolosha. Maansooyinkiisa waa kuwa dhiiragelin leh oo dadka ku riixa inay ka fikiraan arrimaha muhiimka ah ee nolosha iyo inay fahmaan waaqaca saxda ee jira isagoo soo jeedinaya in laga fogaado waxyaabaha aan faa’iidada lahayn. Abwaanku wuxuu leeyahay awood uu ku suurayn karo waayaha iyo dareen bulsho oo xoogan (Empathy) sida laga dheehan karo suugaantiisa.
Abwaan Bashiir M. Xirsi ‘Ina Cubtan’ waa hal-abuur leh aragti ogaal waayo-aragnimo weheliso iyo aqoon aftahanimo u dheertahay. Indheergarad oddorasa xaaladaha daahsoon.
F.G.
Halkan ka daalaco saddaxda maanso ee aan tusaalaha u soo qaatay:
Dhammaad.
Mahadsanidiin.

SHEEKOOYIN

Gobanimo labo maaha

Talo Waayeel

DURUUF W.Q. Wiilo Daahir Xasan

BOOLI BARAKAYSAN Q.3AAD