Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

MARCUS GARVEY W.Q. Cabdinaasir Xiddig

MARCUS GARVEY

Waxaa qoray Cabdinaasir Xiddig

Waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee ka dhiidhiya addoonsigii lagu hayay dadka madow ee qaaradda Ameerika. Wuxuu si caalami ah ugu dhawaaqay in dadka madowga ahi u midoobaan helidda xaquuqdooda aasaasiga ah, asagoo ugu baaqay madaxdii qaaradda Afrika in ay ku bahoobaan hal calan, kaasi oo uu ugu wanqalay Pan-Africanisim.
Wuxuu aaminsanaa in dhamaan dadka madowga ah ee ku noolaa qaaradaha Ameerika iyo Yurub ay dib ugu soo laabtaan qaaraddooda Afrika, haddii ay dhiciwaysana ay samaystaan dal u gaar ah, si ay uga dheeraadaan dulmiga iyo dullaysiga dadka caddaanka ahi ku hayaan.

Wuxuu si wayn uga soo horjeestay diinta masiiyadda oo uu u arkayay mid ay nashqadeeyeen dadka midabka cad, una adeegaysa danahooda iyo doonistooda, taas lidkeedana gumaynaysa dadka aan Yurubiyaanka ahayn, gaar ahaan dadka ku abtirsada qaaradda cagaaran ee Afrika.

Wuxuu si walba uga soo horjeeday in ay isdhaxgalaan oo ay qaran iyo dawlad wadaagaan dadka madawga ah ee la addoonsaday iyo dadka caddaanka ah ee addoonsaday, wuxuuna bulshada dubka cad u arkayay bulsho ibliisiin ah oo ay adag tahay in wax lala wadaago.

Dadka u kuurgala sooyaalka halgame Marcus Garvey waxay ku tilmaamaan aabbaha gobonimodoonka dadka madawga ah, gaar ahaa halganka ku dhisan dhiigdaadinta iyo goonigoosadka, waxaana la hubaa in uu yahay halka ay ka soo qalindaarteen hoggaamiyaashii aadka u gacanta kululaa, sida: Chris Hani, Malcolm X, Dr. Khaalid Maxamed, Steve Biko, Solomon Mahlangu, Robert Mugabe iyo qaar kale. Halka uu aad uga soo horjeeday aragtida ku salaysan halganka nabadeed ee ay ku soo caana-maaleen rag aan ka xusi karo Nelson Mandela, Dr. Martin Luther King Jr. iyo qaar kale.

Halgame Marcus Garvey, wuxuu sanadkii 1887-dii ku dhashay Saint Ann’s Bay ee dalka Jamayka, wuxuuna dabshidkii 1940-kii ku dhintay magaalada London ee carriga Boqortooyada Ingiriiska.

Wuxuu u soo wareegay dalka Maraykanka, halkaasi oo uu ka sii watay dhaqdhaqaaqiisii uu dalkiisa hooyo ee Jamayka ka soo bilaabay, wuxuuna fursad ugu helay in uu aragtidiisa gaarsiiyo meel ka baxsan dalkiisa. Waxay bilawgiiba is haleeleen oo ay ciyaarta jiirka iyo bisadda ciyaareen hay’adihii sirdoonka Maraykanka, kuwaasi oo aragtida Marcus Garvey u arkayay mid halis ku ah ammaanka dalka Maraykanka, waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga, halkaas uu ku soo qaatay labo sano.

Marcus Garvey, wuxuu tusaale u noqday oo ku dayday rag badan oo caan noqday, kuna caan noqday la dagaalanka addoonsigii lagu hayay dadka madawga ah ee Ameerika iyo qaaradda Afrika, kuwaasi oo aan ka xusi karo Nakruuma, Xaaji Maxamed Xuseen, Samora Mechel iyo kuwa kale.

Wuxuu kale oo uu saadaaliyay in uu soo bixidoono boqor Afrkaan ah oo siduu aaminsanaa noqon doona wali uu Alle u soo diray badbaadinta iyo xoraynta dadka madawga ah, boqorkaas oo ay taageerayaashii Marcus u fahmeen, una caleema saareen imbaraadoorkii Itoobiya ee XayleSalaase, sidaasna ay ku aasaasmeen koox-diimeedka caanka ah ee Rasta Tafaariga, kuwaasi oo Ilaahnimo u aaminsan Boqor Xayle Salaase!

Waxyaabaha lagu xusuusto oo Marcus Garvey dhaxal ahaan uga tagay dadkiisa waxaa ka mid ah soo hindisidda calanka saddexda midab leh ee midawga Afrika, waxaana loo arkaa in uu ka mid ahaa aabbayaashii iyo asaasahii waxa maanta loogu yeero Pan-Africanisim.

Inkasta oo dadka dhaliila ninkaan ku sheegaan in uu ahaa khuraafayste iyo cunsuri ay madaxmartay nacaybka dadka caddaanka ah, haddana waxaa la isla qirsan yahay in uu ka dagaallamay mid ka mid ah dulmiyadii ugu waynaa ee ifka soo mara, uu na u hiilliyay bulsho qaayibtay dulli iyo addoonsi, waxaana afkaartiisa laga qdoo waliba laga barakeeyaa meelo badan oo dunida ah, gaar ahaan qaaradaha Afrika iyo Ameerika.

Waxaa jira oo mudan in si ku faanid leh loo xuso in ay jiraan qoraallo iyo buugaag laga qoray sooyaalka iyo aragtiyihii geesigii waynaa ee Marcus Garvey, kuwaasi oo xambaarsan halgankiisii iyo oraahyadiisii dhaxalgalka noqday, waxaana ugu caansan wax-soo-saarkaas: buugga Emancipated From Mental Slavery: Selected Sayings of Marcus Garvey

Ugu dambayntii, inkasta oo uu Marcus Garvey sidaas oo dhan ugu soo halgamayay dadkiisa, haddana kama mid noqon dadka sooyaalkooda la qoray ama la wayneeyay, wuxuuna safka hore kaga jiraa geesiyada sida kaska ah taariikhdooda iyo waxqabadkoodiba la duugay.

SHEEKOOYIN

Talo Waayeel

DURUUF W.Q. Wiilo Daahir Xasan

BOOLI BARAKAYSAN Q.3AAD

CAWRALA IYO CALI-MAAX