Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

MIYAAD TAHAY KAA HADDEER? W/C: Farax Sh. Cabdirisaaq

Miyaad tahay kaa haddeer!
Farax Sh. Cabdirisaaq
Waa maanso ka hadleysa waayaha iyo wacaalka. Waa maanso aan waxba hambeyn si toos ah iyo si dadbanna ula hadleysa bulshada soomaaliyeed qeyb walba oo ka mid ah. Waa maanso laga dheegan karo hal-abuurka cuddoon ee Drs: Farax. Maansada magaceeda waxa la yiraahdaa: “Miyaad tahay kaa haddeer” ee ka bogasho wacan!
  • Labaatan guyoo tegiyo
  • Tobnaad aan buuxin bay
  • Gadaydani taagantaye
  • Toddoba ruuxii jiroow
  • Waxaad ku tiraabto iyo
  • Da’daadu waxay tidhaa
  • Tankaygaa dhaafayoo
  • Tog aanad aqooniniyo
  • Tus aan lagu guurinbaad
  • Usii tafa xaydantaye
  • Jawaabaha teerigaa
  • Haddaan kugu tiirinlaa
  • Tunkaagu ma qaadayee
  • Maxaad iga tiigsataa
  • Tubtaada yaraanta iyo
  • Filkeennaa kala tidmoo
  • Tusaaluhu waa inaad
  • Tallaabada soo kortaa
  • Tussaalaha sheeganoow
  • Adigu is tijaabiyoo
  • Miyaad tahay kaa haddeer?
  • Wixii lagu taransadiyo
  • Tanaadka aqoontu waa
  • Timaadada noolohoo
  • Tabaalaha baajiyee
  • Tacliinta ninkii dhigtee
  • Barwaaqada toomilaa
  • Haddaanu tisqaad ahayn
  • Tiruu naga buuxiyee
  • Tuftiisaa leexataye
  • Tabtiisa midkii ahee
  • Garaadku tabcaansanyee
  • Tafaafulka qaybiyee
  • Waraaqaha toociyee
  • Tahliga ka abuuranee
  • Warkiisuna tookha yahay
  • Isagu waa tacab qasaar
  • Tayana laga dheefi waa!
  • Tussaalaha sheeganoow
  • Adigu is tijaabiyoo
  • Miyaad tahay kaa haddeer?
  • Bulshada tooshkeeda iyo
  • Tiriiga saxaafaddaa
  • Adduunyada toosiyoo
  • Wixii tegayee dhaciyo
  • Ninkii taariikho hore
  • Innoo tabinlaa hadduu
  • Taseeyo dalkeenna iyo
  • Tamuuxa dhulkeenna oo
  • Tunuusiyo meel kaliyo
  • Tigaadda kasoo baxdiyo
  • Tawaad madhan noo qorqoro
  • Hankiisaa tuuro lehe
  • Tabtiisa ninkii ahee
  • Dhexdeenna ka taahayee
  • Ku teedsamay baahidaa
  • Tushuushka abaarta iyo
  • Intuu toxob reebi laa
  • Dhakhsaa loo tuurayaa!
  • Tussaalaha sheeganoow
  • Adigu is tijaabiyoo
  • Miyaad tahay kaa haddeer?
  • Tabaadi la naaxiyoo
  • Tuldaha lagu qoojiyoo
  • Dhibida ku talleejiyoo
  • Micida ka tunsiinayaa
  • Hashii tabsanayd yaqaan
  • Ninkiise u tu’in lahaa
  • Haddaanu u tababarnayn
  • Tolmoonida qaalintii
  • Miyay tarantaa iskeed?
  • Ifkuna talantaalliguu
  • Ku yahay shay taabba gala
  • Marwana turuqeedu hawl
  • Haddaanu u toodha hayn
  • Sidii xadhig loo tidcana
  • Tafteedu u heellanayn
  • Tibteediyo mooyahaa
  • Cidlada ku taqaaqufee
  • Muxuu taashkeeda iyo
  • Taraaruhu sheegayaa?
  • Tu’ aan laba guursanbaa
  • Tartiibta ilaalisoo
  • Tolkeedna u dhaamisee
  • Tussaalaha sheeganoow
  • Adigu is tijaabiyoo
  • Miyaad tahay kaa haddeer?
  • Talada reerkii dhismiyo
  • Qofkii soo taabanlaa
  • Tashiga gurigiisa yaal
  • Turxaani hadday jirtana
  • Tudhaale u raadiyee
  • Tabnaantiisoon badnayn
  • Wixii togan yeeli jiray
  • Wakhtiga tooraynayaa
  • Tareen kale saarayoo
  • Hadduu yahay tuulo joog
  • Tintiisu caddaatayoo
  • Cirradu teel teeshayoo
  • Halkuu tusbax gaara iyo
  • Wardiga ku tasbiixsanlaa
  • Wakaa is toxoodhiyee
  • Talaahida beeniyee
  • Salaadaha tiiriye
  • Anigu tukan maayo loo
  • Isagu waa taariggaa
  • Iblaysyada tuugayee
  • Tabtiisa ninkii ahee
  • Macaasida tiinbadee
  • Takooro qabiilladee
  • Ku taama qabyaaladdana
  • Intuu na talaalilaa
  • Gayaanka taxaashayiyo
  • Carruuraha tooyanlaa
  • Dhallaankana taakadiyo
  • Tabcada la ciyaarilaa
  • Haddaa la taxaabayaa
  • Tussaalaha sheeganoow
  • Adigu is tijaabiyoo
  • Miyaad tahay kaa taloow?
W/C: Farax Sh. Cabdirisaaq
NAGA LA SOO XARIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

Talo Waayeel

DURUUF W.Q. Wiilo Daahir Xasan

BOOLI BARAKAYSAN Q.3AAD

CAWRALA IYO CALI-MAAX