XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 132aad
                                                    1-Aamusnaanta
qof walba oo aamusnaan badan macnaheeda maahan in uusan hadalka awoodin.
Waxaa jira qof u aamusan in uu ka fogaado darteed in qof kale uu hadalkiisa ku dhaawaco.
Sidoo kale waxaa jira qof aamusnaanta nafis u tahay oo laga yaabo inta badan uu hadlo ay u noqoto in badan uu xanuunsado.
Sidoo kale waxaa jira qof is dhahaya hadalka badan macna kuuma saaidinayo.
Sidoo kale waxaa jiro qof aamusa xilliga uu xanaaqo si uusan hadal xun u dhihin qofka uu u xanaaqay oo laga yaabo in uu yahay qof ku dheer oo wax badan kala dhaxeeyaan.
Mmusa
                                                     2-Dalbashada waqtiga
Waqtiga ayaa ah kan na bara mar walba xaaladaha xalkeena ku jira.
Dunida maanta aan ku noolnahay waa mid naga dalbaysa sabar, aamusnaan iyo is moogaysiis si nafteena u badbaado.
Mmusa
                                                       3-Xaqiiqda naftaada.
Ma ahan in aad naftaada u sheegto wax aan dhabta ku salaysnayn balse dareenkaaga nafsnimo uu jecelyahay.
Dhabta nolosha waa lama huraan in lagu noolaado wixii xun in ay xun yihiin u daa.
waxba naftaada ha ku qasbin in wax xun aad wanaag u ekaysiiso, sidoo kale qofka ku karaameeya karaamee kii ku liidana liid oo iskala weynow waxna hala wadaagin.
Mmusa
                                                         4-Qaacidada naftaada
Wax kasta oo farax galin noloshaada waa in ay noqdaan wax aadan noloshaada ku qasbin oo ka saartaa muhiimad kaste ha lahaadaan.
Marnaba naftaada ha ku qasbin wax wawal ku beera, qaaciddada noloshaada ha noqoto waxaan i farax galinayn iskuma qasbayo.
Mmusa.
                                                        5-Dareen gudbin
Ma lihin doorasha aan qofka aan rabno ku nacno kaan rabnana ku jeclaano, waa dareen saamayn leh oo ka dhasha dareenka dadka nolol ahaan nagu xeeran iyaga ayaa inagu beera sidaas ayaana iskugu gudbinaa.
Mmusa
                                                        6-Laba hadiyadood
Saakay dhamaanteen laba hadiyadood oo qaali ah ayaan kala furnay!!
Waad la yaaban tihiin soo maahan waxa aan ka wado, wax kale maahan dhamaanteen laba indhood aan leenahay waxna ku aragno ayaan kala furnay, soo hadiyad qaali ah maahan?
MmusaÂ
                                                   7-Hebel waa xun yahay!!
Waxaad maqashay iyada oo la leeyahay hebel waa xun yahay markaas ayaad adigana hebelkaas nacday umaddii kalana ugu sii sheekaysay in hebel oo aadan arkin uu xun yahay, waa nacasnimo tan ugu xun.
Mmusa
                                                                  8-Nafsiyan
Qofkii raba in uu kuu soo dhawaada wuu kuu soo dhawaan karaa.
Qofkii raba aragtidaada wuu kuu imaan karaa kuna arki karaa.
Qofkii doonaya maqalka codkaaga wuu kula soo xiriiri karaa.
Dhamaan intaan waa xaalado aysan duruufta reebi karin balse nafta haddii ay doonto ay samayn karto.
Mmusa
                                                        9- Siyaasadda
Siyaasadda lugooyada waa mid kooban, dadka wadana waa kuwa kooban, waxa ay qabtaan iyo qaabka ay u qabtaana waa koobantahay, balse intan ayaa u asal ah.
Qabyaalad
Musuq
                                                          10-Khilaaf dhexdooda ahIs aqbalid la’aanÂ
Ismagacaabid kooban
Isdiid joogta ahÂ
Ixtiraam darro
Damiir xumo
                                                                  11-Calqigaada
Wax walba oo qabanayso waa in aad ka eegta dhanka munaafacaadkaaga iyo sida aad uga faaiidaysan kartid.
Seefta haddii aadan ka qabsan salka dambe oo ka qabsato dhanka ay sakiinta ka tahay taas macnaheeda waa in aad naftaada qatar galiso balse marka aad ka qabsato halka ay tahay in laga qabsado naftaada ayaad ku difaacan kartaa.
Cadowgaada waxaa jirto xeelad aad uga fiidaysan karto isaga oo cadowgaada ah, caqligaada si dagan haddaad u isticmaasho wax badan ayaad ku qabsan kartaa taasise waxay ku xirantahay heerka uu gaarsiisnaan karo wax fahamkiisa iyo wax aragiisa.
Mmusa
                                                                    12- Caqabadahaaga
Caqabadahaaga oo yaraada waxay ka dhigantahay korriimadaada oo caajis gasha, si la mid ah cadowgaada oo yaraada waa foojignaantaada oo hawada ka sii baxda, qofka marka uu foojignaanta ka dhintana waa jirkiisa oo difaaca ka dhintay, isaga ayaa si uusan dareemayn iskugu dhameynaya oo is dilaya.
Mmusa
                                                                   13-Cadowgaada
Cadowgaada marka aad saaxiibka ka dhigtid soo ma aadan burburin?
In aad caqabadaha hortaagan noloshaada iska hor wareejiso uma baahna in aad naf goyso ama deegaan burburiso, mararka qaar caqligaada oo si fiican uga shaqaysiiso ayaa xalka noqon kara.
Mmusa
                                                                   14-Bal is eeg!!!
Qofna ha isku mashquulin.
Qofna ha daba ordin.
Waqtigaada ha lumin.
Naftaada wax badan ka baro.
Awoodaada iyo daciifnaantaada kala garo.
Hadafkaaga daba carar.
Qiimahaaga garo.
Naftaada wax u kordhi.
Isla xisaabtan dhab ahna naftaada la samee.
Mmusa
                                                           15-Umad la yaab leh!!
Waxaynu nahay umad kooda guul daraysta guul u raadisa, kooda guulaystana in uu guul daraysto ku dadaasha.
Mmusa
                                                  16-Qasaaro iyo dhibaato.
Laba sabab oo kaliya ayey ku dhacaan qasaarada iyo dhibaatooyinka.
1- in aad samaysaa wax aadan ka fakarin.
2 iyo in aad ka fakartaa wax aadan samaynayn.
Mmusa
                                                     17-Hadal
Hadal sidiisaba kuma dhaawaco hadduusan ka iman qof qaali ku ah qalbigaada.
hadalada ka soo baxa qof noloshaada qayb ku leh ayaa mar walba ku dhaawici kara.
Mmusa
                                                                 18-Sharaf.
Mararka qaar in aan dhab u qirano dhabta laabteena way xanuun badantahay inaga oo u baqanayna sharafta ubadkeena iyo waalidkeena.
Is waydiintu waxay tahay sharaftaada iyo tooda tee baa muhiimsan?
Mmusa
                                                     19-U diyaarsanaan
Qalbigaada wax uusan u diyaarsanayn ma qaato mana aqbalo, sidaa darteed naftaada been ha ugu sheegin marka wax kugu dhacaan ay natiijadooda kula xumaato in aad dhahdo uma diyaarsanayn, waad u diyaarsanayd waana aqbalsanayd dhabta waa taas.
Mmusa
                                                            20-Iswaafaqid
Waa in aan fahanaa oo isku raacnaa in aanan mar walba is waafaqi karin, xaqiiqduna ay tahay in qof walba laabtiisa cid baddali kartaa waxa ku jira aysan jirin.
Mmusa
Qore: Mohamed Musa Sh. Nooor
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com
Â