Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Suufigii tuulada W/Q:- Caliqeyr M. Nuur

Suufigii tuulada

Nin baa beri wuxuu maqlay suufi tuulo agtiisa ah deggan oo riyooyinka fasira. Sheeka been ah ayuu samaystay, wuxuuna ula tegay suufigii. Wuxuu ku yiri: “Sheekhow, xalay ayaan ku riyooday wan weyn oo ii bishaareynaya. Wax san ayuu iigu bishaareynayey, balse, ma xusuusto wixii uu ii sheegayey. Bal ii fasir”. Sheekadan beenta ah wuxuu ninku ku tijaabinayey arrinka suufiga. Balse, suufigii ayaa yiri “Riyadaadu waxay sheegaysaa in aad heli doonto dhar badan oo cusub”. Ninkii isaga oo hoosta ka qoslaya ayuu aqalkiisii aaday. Markuu aqalkii gaaray ayaa waxaa u yimid nin ay is yaqaanneen oo boorsa dhar ah u sida. Wuxuu u sheegay in uu dharkaan u soo iibiyey walaalkiis, balse, markuu tuulada yimid uu ogaaday in uu walaalkiis dhintay beryo ka hor.

Ninkii sidaas ayuu ku helay dhar saddaqa ah. Isaga oo yaabban ayuu mar labaad u tegay suufigii. Wuxuu ku yiri “Sheekhow xalay waxaan ku riyooday isla wankii oo ii bishaareynaya, balse, ma xusuusto wixii uu ii sheegayey”. Suufigii ayaa yiri: “Riyadani waxay kuu sheegaysaa in si fiican laguu soori doono”. Ninkii isaga oo shaki iyo hubaal u dhexeeya ayuu yimid aqalkiisii. Markii uu soo fadhiistayba reer deriskiisa ah ayaa u keenay xeeryo hilib iyo raashin ka buuxaan. Waxay u sheegeen in galabta reerku lahaa duco oo ay sidaas isagana wax ugu reebeen maadaama uu maqnaa. Waa uu dhergay.

Ninkii mar saddexaad ayuu suufigii ku laabtay. Jid fiican oo la hubo ayaa u furmay. Wuxuu ku yiri: “Sheekhow xalayna waxaan ku riyooday isla wankii oo ii bishaareynaya”. Suufigii wuxuu yiri “Markaan waa lagu garaacayaa”. Ninkii dib ayuu u noqday isaga oo welwelsan. Markuu tuulada galay ayuu la kulmay odaygii deriskiisa ahaa oo si daran xaaskiisa u garaacaya. Wuxuu isku deyey in uu odayga qabto waase kari waayey, markaas ayuu naagtii isku duubay si uu usha uga xigsado. Odaygii oo arrinkaas ka sii xanaaqay ayaa ninkii si xun u garaacay ilaa heer la mooday in uu dhintay.

Beryo kaddib ayuu ninkii u tegay suufigii. Isaga oo runta u sheegaya ayuu ku yiri: “Sheekhow saddexdii riyo ee isku midka ahaa waxay wada ahaayeen been, haddana sidii aad iigu fasirtay ayey u dhaceen. Bal arrintaasna ii fasir”. Suufigii wuxuu yiri “Horta wanka aad ku riyootay wuxuu ahaa adiga. Markii koowaad wanku waa baahnaa waana la dheefiyey. Markii labaadna wanku waa arradnaa, waana la arrad-tiray. Markii saddexaadna wanku waa uu kibray oo wax-badsi ayuu doonay, waana la edbiyey oo la garaacay”.

W/Q:- Caliqeyr M. Nuur

SHEEKOOYIN