CALI ISKAABULO (Aabbaha Jacaylka) Q. 1aad Barbaariye/Bashiir Cali Xuseen

 

Bilihii ugu danbeeyay Basra Xaaji, waxa aad ugu soo badanayay rabitaanka iyo jamashada ka helidda ah ee ay u qaadday Aw-Cumar oo ah wadaad xaafadda ku cusub, waxaase jira wiil kale oo isagana la yiraahdo Cali iskaabulo oo naaneystiisu ay tahay ( Aabbaha Jacaylka ) kaasi oo Basra jacayl beenaad iyo lacagba ku raadinaya, balse iyada waa ay ka digtoon tahay qalbigeeduna meel aan isaga ahayn, buu ku sii jeedaa. Waxa ayna raadineysaa cid ka caawisa gaarista hammigeeda rabitaan ee ku sii jeedda wadaadka Aw-Cumar ah.

Ninka Cali iskaabulo la yiraa, waxaa il goonni ah ku eegata wada sheekeysigoodana uu meel dhexe oo dhiidhiin ah uu sii marayaa Nuura oo Basra saaxiibteed ah, laakinse Basra, xiriirkaasi hoose waa laga qarsaday oo waxba looga ma sheegin, mana ay oga waxa ka dhaxeeya Nuura iyo Cali iskaabulo.

Nuura, waxaa dhashay islaan Cajabo la yiraa oo ah waayeel balwadaha adeegsigooda, in badan ku soo dhex jirtay, gabadheeda Nuura ahna aan weli la arag aabbihii dhalay.  Waxa ayse Cajabo dadka oo dhanba u wada sheegtaa, in uu geeriyooday gabadheeda aabbaheed oo markii ay dhalatayba inta uu tahriibay ma gefe uu qabsaday ka dibna Allaah ha u naxariistee, ay ku dileen saxaraha u dhaxeeya, Libiya iyo Suudaan!

Basra Xaaji iyo Nuura oo ahaa laba gabdhood oo aad isu yaqaan iskuna xaafad ahaa, ayaa waxa ay iskaga soo hor baxeen jid caddaha jaayga ah ee hor mara fayo dhowrkii hore ee lagu magacaabi jiray ( CARIIF ) ee ku yiillay Weheliye Hoteel dhabarkiisa danbe, amaba degaandeggiisa hoose oo ka tirsan Degmada H/wadaag.

Salaan is xiiseyn iyo is dhunkasho leh, markii ay is dhaafsadeen oo ay in xoogaa ah sarbeebta ereyga maldahan iyo sirta sheekada isu darandoorriyeen bay Basra tiri “Ii warran saaxib beryahan waa lagu waayee, intee ka baxday? ma wehel baad heshay?”.

“Saaxiibey howl adduun, waan yara mashquulay mooyee dhib kale ma jiro” ayey Nuura ku war celisay, waxaa ayna intaa ugu sii dartay “Beryahan isma aynaan arkine, maxaa agtaada ka cusub oo iga danbeeyay, bal warka i sii?”.

“Saaxib anigu wax cusub ma hayo  ee dookheyga, ayaan beryahan beretansiinayay, inkasta oo uu qalbigeygu hal dhinac u sii janjeero, haddana mid awliya buubta isaga key dhigo oo faan badan baa, waan ku jeclahay uun igu haya, aniguse waa aan  ka digtoonahay oo qof la gaadi karo maahi, maxaa yeelay sheekadiisa, ayaan maqlay oo hangool faraara leh baan iskaga hayaa” ayey Basra si kooban u tiri.

“Waa kuwee kuwaasi aad baratansiineyso? ma xaafadda ayey nala deggan yihiin,

mise meelo kale ayey naga soo booqdaan? magacyadooda ma ii kala sheegi kartaa?” ayey Nuura saaxiibteed si xog raadis ah u weydiisay.

Basra Xaaji “Haa” inta ay tiri bay, haddana sii daba dhigtay “Mid waxa la yiraahdaa Cali Iskaabulo oo arrimihiisa hoose, in aan sii dhex galo ma rabo, waayo aniga ayaanba dooneynin balse midka aan anigu rabo, waxaa la yiraahdaa Aw-Cumar oo waa wadaad xaafadda ku cusub oo marmarka qaarkoodna masaajidka ka addima, alla Nuuraay wadaadka cod macaanaa oo codkiisa jecliyaa marka uu salaadda addimayo”.

Nuura, oo Cali iskaabulo aad u daneyneysay, baa inta ay naxday hadalka uu ka soo bixi waayay, markii magaca Cali la sheegay laguna soo daray liiska ragga ah ee Basra Xaaji raadinaya, hasa yeeshee, Nuura markiiba is difaacid bay gashay, waxaa ayna billowday, in ay magaca Cali Iskaabulo wasaqeyso, si uu  damaca Basra u sii yaraado meeshana uu uga baxo amase ugu yaraan ay darkaba uga saarto hanka Basra!.

“Naa heedhe, Nuuraay, maxaa ku helay oo aad la aamustay?” ayey Basra saaxiibteed weydiisay.

“Maya walaal waxba igu ma ay heline, waxaan ka yaabay ninka aad magaciisa sheegtay, alla maxaad Basraay han yar tahay, naa ma kaas magaciisa iyo dhaqankiisa ay is leeyihiin buu damac kaa galay?” ayey Nuura si kulul u tiri, iyada oo ninkan ilaalin ku difaacaneysa, Basrana ka indha saabeysa.

W/Q. Barbaariye/Bashiir Cali Xuseen

La soco Q. xigta

SHEEKOOYIN