MA U QIRI KARTAA?! Qore. Cabdiwali S. Toosane

MA U QIRI KARTAA?!

Qof kasta oo taariikhda dib-u-raaca, si ebyanna u raadgura wuxuu ogaanayaa bulsho kasta horumarkeedu in uu yahay haldoorkeeda oo ay maamuusto. Halka kuwa kacaan-kufa ee ay dhibta haysto ay yihiin, kuwa ay iskugu darsan tahay, qirid iyo maamuusin la’aanta Haldoorkooda iyo inay dilayaan amaba aysan qirayn kaalinta uu ku beegan yahay,  kartidiisa iyo guulaha uu u soo hooyay.

Bulsho haldoor la’aan ma horumarto, docda degganaanta iyo guulahana ma tagto, rajana ma yeelato. Horumarkeeda waa haldoor had iyo goor u haygan ah, guusheeduna waa xuska iyo Maamuusinta nin doorkeeda.

Haatan, waxaad maskaxdaada aad ugu maamin doontaa, ‘Allaylahe, way tahay, in aan qirno nin doorkeennu kaalinta ay inoogu aadan yihiin, sidoo kalana waa qasab in aanu u abaalgudno. Marka ay halkaa joogto, miyuusan maankaagu gaaxan laba tuduc oo ka miisaan iyo mullaax badan, tiraabtayda oo dhan, bulshaduna haddii ay fahantana ay helayso xalka dhibteeda.

“U qir waxay galaan

U quur waxay gudaan”

Bal eeg ebyanaantiisa, maan-furnaantiisa iyo sida inoogu boorriyay in doorkeenna u qirno waxa ay sameeyaan, una quurno, waxa ay ugu wanaagsan tahay ee haldooor bulsho la siiyo, iyada oo hadba loo eegayo kaalinta uu galay.

Abwaanka intaas na faray, miyuusan gudan waajib wayn oo aysan cid kasta gudi karin? Arrin wanaagsan sow inama farin? Labadaa tuduc ayuu haldoor kasta ugu qiray, wixii uu galay haddana ugu abaalguday.

Waan u qiray!

labada tuduc ee kor ku xusan, nin doorka leh, waa Ina Cubtan. Anigu waxaan u qiraa kaalinta wayn iyo dhan kasta oo uu dhacanta adag inooga yahay. Waxaan u quuray, qirid, xusid iyo maamuusin in taba. Abwaanku labadaas tuduc iyo kuwa kalaba waxa uu inagu faraa/y mudnaansiinta haldoorkeenna, waliba inta uu nool yahay, geeri kadibna in la xuso. Markiiba waxaad xuusan kartaa tuducyadii kale ee inagu faray geeri horteed abaalgudku inuu ebdo wayn yahay.

“Qof walboo inaga mida

Marwo iyo mudanaheen

Misna helay maqaam sare

Intow muuqdo noolida

Milgadow mudnaa iyo

U samee hab maamuus”.

Lagama gayoon karo, dulka xaadisna laguma idlayn karo murtidiisa, iyo sida uu bulshada ugu bogaadiyo maamuusinta Haldoorkooda.

Qalinkayga qaddiisa waxaan ku qirayaa una quurayaa, haldoor kasta iyo kaalintiisa wayn iyo halka uu bulshada ugu jiro qaatay ama ka soo dhalaalay. Mar kale iyo mar kalaba, waxa aan qirayaan doorka Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’. Afka, dhaqan iyo suugaanta, aruurin iyo kayd uu u sameeyay. Qalinkana waxa uu u qaatay, curinta gododka kala duwan ee maansada, si uu fahan bulshada u ballaariyo.

Dhowrkii gu’ ee tagay, wuxuu horumar lama gaaraan ah, guulo badan iyo billado ka soo hooyay dadalkiisii uu ku bixiyay, aruurinta, hufidda iyo kaydinta, Afk, Dhaqan iyo Suugaanta ee “Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye.”

Wuxuu qabtay, barnaamijmo xiiso iyo xikmad leh, maamuusinta mudane iyo marwo. Xaruntu waxa ay bixisay billado cid horteed bixisayna aysan jirin. Wuxuuna u abaalguday, Haldoorkii bulshada, muwaadin ilaa ajaanib bulshadeenna wax u qabtay. Billahada caynkaas oo dowladdii dalkeenna soomaaliyeed dib ka garowsatay ahmiyaddeeda balse ay Xaruntu uga horraysay, dhowr gu’ u kala dhaxeeyeen ayaa jira.

Bashiir waxa uu qoray buugaag midba mid kale uu ka daran yahay, inta badanna waxa uu xoogga saaray, arrimaha Bulshada. Waxaa irkig leh, oo aad kuu dhakafaarinaya buugga “Dhimaal Dhaqan” oo uu ku koobay wax kasta oo imika bulshada ka silloon, ayna tahay in laga saxo.

Guulaha iyo doorkiisa wayn ma ahan wax faro lagu tirin karo, mana laga gayoon karo. Waynu wada ognahay Haldoor kasta inuusan helin mudnaantiisa. Mudnaansiin waxaa ka horreeya in wax la isku qiro. Haddana aan qiraalka lagu ekaane wax la isku quuro, quuriddaasna ay noqoto abaalgudka.

Waxaan uga socdaa iyada oo fahamku yaraa, qiridna warkeeda lahayn, quurisna dhawayn, nin doorkii qiray, oo u quuray billadna ku tixay Haldoorradii, nin doorkii kaalintaas galay, haddii aanan bilad ha dambeysee qirin waxa uu galay, sidee u doonnaa horumar iyo in cid kasta mudnaan yeelato. Taasi mid dhacaysa miyay tahay?

Sidaas awgeed baan u qirayaa, kaalinta Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’ isana ugu hurayaa qalinkayga qaddiisa iyo wax kasta oo uu iga mudan yahay.

Tiraab kala ganboodoo

Tixna kuma idlayn karo

Taan tiriyo doorkiyo

Taariikhdiisa dahabkaa….’Toosane’

Qore. Cabdiwali S. Toosane

SHEEKOOYIN

Gobanimo labo maaha

Talo Waayeel

DURUUF W.Q. Wiilo Daahir Xasan

BOOLI BARAKAYSAN Q.3AAD