Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

MAXAA KALA HAYSTA, QOYSKA IYO QADDIYADDA SOOMAALIDA? BY: Aamina Abdillaahi

somaali

Waa Nin iyo xaaskii waa Aabbo iyo Hooyo kuwada nool Hoy qudha. Dersin Ubada oo ay dhaleen haysta, waa Dad waawayn oo Cirradu ay tinka madoobaysay. Qoykan waxa dhextaala qaddiyad, saamaysay noloshooda.
Ficilada adag iyo Cadawtinimada ka dhexaysa, waxa aabad mooda Falastiin iyo Israa’iil. Sida ay reer caadiya u Yihiin oo nabad qaba ayay mar qudha isku kacaan oo qaylada iyo sawaxanka ka baxayaa, Jaararka ka fogfog laga maqlaa. Weliba wakhtiyadu iskuma jiraane, waa xilliyada Wararka iyo idaacadaha Afka Soomaaliga ku hadlaa, ay warkooda soo tebinayaan ayuu buuqa ugu wayni iyo sawaxanku bilowda oo budh laysugu hanjabaa, oo talo ay faraha ka baxdaa.
Odayga reerka lihi ilaahayba wax lehe, waxaa uu jeclaa wararka ka soogala, Tvga Qaranka Soomaaliyeed. Halka duqdiisuna ay jeclayd tvga Qaranka Somaliland. Saacadda warku taaganyahay rimuudka ayaa lala kala carari jiray.
Markuu odaygu soo qaato Rimuudka ee uu tvga gaysto, ayay islaantiina Muraayadda hoos fadhiisata, oo iyadana dhinaceeda rafiisalka ka badashaa, markaas ayuu tirisku bilowdaa. Odayga oo cadho kaxa ayaa islaanta ku yidhaahda, xunyahay xuntu dhashay naga bayr aan kaa fiirsano warka’e.
Islaantana dhiiga ayaa boqolka tagaa, oo iyaduna markeeda ayey hanjabaadda Ruushka mid u eeg soo riddaa,, ee duqyohow xumi , Xaaran maxarim baanad kan u daawanayn. haddii kale tvyada dhexdhexaadka ah noo gee, aynu wada daawanee,, odaygii oo aan biyo isku saydh ku jirin baa odhanaya,, Naaya waa Duqda, Xasan sheekh baa heshiis la saxiixday Midawga Yurub, iga bayr warku yuusan idhaafine.
Islaantii baa gantaalkii markale soo riday oo tidhi:” iigee tvga qaranka somaliland, 18 may baa dabaal deggeedii ka socdaaye, Xaaji waa live barnaamijku yuu idhaafine iga dhakhso. Waa lays mari waayay, oo qofna qof wuu u tanaasuli wayaay.
Halkaas waxa ka qarxa dagaalkii ugu waynaa, ee abid dhexmara laba qof oo is qaba, tvga waa la damiyaa, cadho iyo Mooraal jab ayaa lagu kala seexdaa labada dhinacba iyaga oo aan war daawan. Meeshu waa Qurbe, habeeniyo maalin gartooda ayaa lagu jiraa.
Haddana maaro looma helo oo Xal waara lama gaadho, wax dantooda khaaska ah iskuma haystaan, reerkaasi Dan daro iyo Qaddiyad ayuun bay isku laayaan. Waxa ay sidii ahaatoba sheekadii, furrin ayay gaadhay iyo in xamaamada lakala urursado.
Markan waxaa dhexdhexaadintoodii soo galay odayaal ubadan Guurti iyo Waxgarad. odayaashu waxa ay ka soo horjeedeen furrinka iyo qoyskaa soomaaliyeed ee bilaa micnaha ku burburaya, xal kasta oo lagu badbaadinayo way sameeyeen, talo badan oo ay rogrogeen maadama ay ogaadeen dhibta reerka kala qaxinaysa inay tahay qaddiyad. waxa ay go’aan ku soo saareen dhowr qodob. # in tvgii hore ee qolka fadhiga yaalay loo daayo odayga oo islaantu aannay ku soo farogelin shaqana aanay ku darsan, wuxuu doono haduu daawanaayo. #In islaanta loo keeno tv cusub oo qol kale loogu rakibo, odayguna aannu shaqo iyo shuqul ku soo darsan oo haddu qolka dar Alle u galo aannu eegin xaga tvga iyo waxa ay daawnayso toona. # waxa kale oo ay odayaashu qodob ka soo saareen, codka tvyada maadama guriga carruur yaryari joogto, laba tv na yaalaan, labada qofna uu ficil ka dhexeeyo xilliyada wararka, waxa laysla qaatay in tv waliba codkiisu aanu dhaafin todoba, marka uu wax daawanayo qof waliba uu albaabkiisa ceshado.
Qoyskii waxa ay u hogaansameen xeerkii, wayna ku dhaqmeen. Midkastana qaddiyadiisi ayuu haystay, furrinkiina halkaasu ku baaqday. 
BY : Aamina Abdillaahi

SHEEKOOYIN