Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Macnaynta maahmaahyooyinka W/D: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

Macnaynta maahmaahyooyinka

 

Waxay noqon doonaan qoromooyin taxane ah, oo Macnaynta maahmaahyooyinku

ku saabsan, oo aan hadba u soo gudbin doono, sida aan ammin u helo. Hadda waxaan idin la wadaagayaa afar maahmaayo iyo fasirkooda, oo ka la ah:

 

1: Hoosin, kaa dhugmo leh

2: Hoggaan hayaa howraar ma xajiyo

3: Haan miin tolkaa lagu ma guddoonsho

4: Hantaaturo horaan u socdey

 

1: Hoosin kaa dhugmaleh: inta aanan u gelin mahmaada macnaheeda, aan ku hormaro macnaha eraga ”HOOSIN”. Hoosin waxaa la yiraa owrta raran, oo geeddiga ah. Aan qayb ka soo qaato gabagii abwaan Garqaniinyo owrka ku ammaanayey, wuxuuna yiri:

 

Waxaa loo hoydaa toban jirkii, hadawgu saarraaye

Isagaa hilkana qaadi kara, ho’na aan diideyne

Waxaana lagu hadiidaa intii, Reerku hayn jiraye

Hangoolka iyo halabadaad, horay u saartaaye

Goortii la HOOSIMO la mood, hogol daruureede

Hantaqaad u socoy sida asoor, huur ka soo baxaye

 

Haddaan u soo laabanno mahmaahda macnaheedu waa: ”Reer guurayaa meesha uu u socdo, waxa ka jira isagaa kaaga ogaal badan” sababtoo ah, reer guurayaa labo ayuu mid yahay, ama waa “TAWAAN “DAN” U GUUR ama waa TIGAAD “DAAQ” U GUUR.

Marka Haddaad aragto Reero geeddi ah, hala yaabin oo ha dhihin maxay lahkaas ugu guurayaan.

 

2: Goggaan hayaa howraar ma xajiyo: Macnaheedu waxa weeye, qof xoola wada, oo hoggaan haya, hadal ka ma bogan karo, oo sheeko u ma xoog helo.

 

3: Haanmiin tolkaa lagu ma guddoonsho: Aan ku hormaro macnaha eraga (HAANMIIR) Haanmiin ama rogrog waxaa la yiraahdaa, biyo yar oo lagu reerbo haamaha reer miyigu dhaansado. Waakii abwaan Faarax Shuuriye lahaa:

 

Inta maw guryaha taal haddii, leysku wada MIIRO

Dheri iney madoobey karaan, waygu malo xoogle

 

Macnaha mahmaahada: Reeraha miyiga is la deggan, ee wada aroora, badanaaba is ku mar biyuhu ka ma wada dhammaadaan. Haddii kuwa biyuhu ka dhammaadaan ay yiraahdaan war caawa aan aroorno, ma habboona kuwa HAANMIIRKU u haray, iney yiraahdaan caawa aroori meynnee, abeen dambe aan aroorno.

Nuxurka mahmaadu waa waxa aad haysato haddii aanu ku la haysan dadka ku la nooli, ha ku guddoomin, ee haysashadaada raac guddoonka ina aan wax haysan.

4: Hantaaturo horaan u socdey: Macnaha ”HANTAATURO” waa kuftin ku sigasho, marka adigoo meel ka degdegsan, oo saan boobaya, haddii aad hantaaturrooto, hantaaturradaasi waxba kuu ma dhibine, meeshii aad u socotey ayey kuu dedejisey.

Waxaa mahmaahdan loo adeegsadaa, wax adigu aad doonaysey qofkii kuugu darraada. Tusaale, adigoo dibadda jooga, oo doonaya inaad Soomaaliya aaddo, haddii laguu tarxiilo Soomaaliya, oo iyadoon wax qarashihi kaa bixin, gurigaagii aad imaato, waa HANTAATURRO HORAAN U SOCDEY.

 

W/D: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN