Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Doob Gaamuray Q – 16AAD W/Q/ Barbaariye Bashiir Cali Xuseen

Q – 16aad

Gobaad, waxa ay weli cabsi kula hoos jirtaa geedihii iyo kushashkii ay ku dhex dhuumanaysay salkooda, waxa ayna dhagaysanaysaa, codadka wada sheekaysanaya ee dhankeeda ku soo socda, iyada oo ka welwel qabta, in ay dadku yihiin, kuwo iyada baadi goobaya oo raba, in ay dib ugu celiyaan Mahad-dheere iyo halkii lagu aaya tiray ee ay ka soo carartay, waxayse moog tahay Mahad-dheere, inuu geeriyooday madaxeedana uu hangal ama asaay saaran yahay, iyada oo aan war u haynin, waxaa kale oo ay ku war la’dahay, in Mahad-dheere iyo iyaduba aanay dib danbe ifka iskugu arki doonin!

Xilligu wuu is gurayaaye, in cabbaar ah ka dib, dadkii socotada ahaa ee ay Gobaad codadkooda dhageysanaysay mid ka mid ah, ayaa geedaha xaggooda u soo leexday, si uu u xaaja guto, Gobaadna wey aragtay meesha ay ku dhakanayso, inuu nin ku soo socdo, hasa ahaatee qofka soo leexday oo ah doob xarragoonaya, ma arko gabadha kushka ku hoos jirta oo wuxuu isu haystaa inuu meesha keligii ku yahay, waase war moog aan goobta ka fileynin, inuu geedaha qof ku hoos jiro, si kastaba xaalku ha u dhacee, isaga oo isku kalsooni qaba buu inta kadalloobsaday oo go’iisii kor u xaytay buu shuban bararaq leh sii daayay, ka dibna si aayar ah buu saxaradii isaga tirtiray, isaga oo weliba iska heesaya oo haba yaraatee aan wax tuhun ah iyo aragti dadeed ah aan ka shaki qabin.

Gobaad oo inta ay waxaasi oo dhanba ay dhacayeen, si toos ah u daawanaysay isla markaana urta meesha ugu soo gashay sanka ka heysata ceebna aan u arkin falka meesha ka muuqda, ayaa doobkii markii uu xaaja dhamaystay oo uu is tirtiray ka dib, waxay isaga oo aan weli arag, si kedis ah ugu ku tiri “Walaal, asalaamu calaykum”.

Doobkii war moogga ahaa ee is moodayay, inuu keligii ku yahay dhul dhireedka ee iska xaajeysanayay, ayaa markii uu maqlay codka dumareed ee gadaashiisa ka soo yeeray, intuu naxay oo uu kor u booday buu cawdu billaystay, markii uu gadaal u soo eegayna, waxay indhihiisu qabteen gabar ay diifi ka muuqato oo maryo heylaan ah oo jeex jeexan wadata, markaasuu isaga oo qeylinaya cagta wax ka dayay, maxaa yeelay ceeb iyo cabsiba waa ay isugu darmeen, wuxuuna kala garan waayay “In ay qofku jin tahay iyo in ay dad tahay!”.

Oday iyo wiil kale oo la socday ninka howdka ka soo qeyliyay, ayaa u qaatay, in ay wiilku habar dugaag weerar ku soo qaadday, markaas ayey ku soo ordeen, iyaga oo warmahooda iyo fallaarahoodaba la soo kala baxay, waxayse arkeen ninkan oo keligii ordaaya oo aanay jirin cid kale oo soo eryanaysa odaygii baana kor u yiri “War bal istaag maandhow, waa adigan ordaya ee cabaadayee, maxaa ku helay oo aad ka ordeysaa, illeyn cidiba ku ma daba socotee?”

Doob saxaroole, isaga oo gariiraya, ayuu si neef tuur ah u yiri “War geedaha hoostooda gabar jin ah baa ku jirta ee iska jira, weliba waxaan u maleynayaa, in ay tahay jin muslimad ah” wuxuuna intaa ku sii daray “Anoo maqlaaya, ayey asalaamu calaykum igu tiri, kamana qaadin oo waan ka soo cararay”.

Intaa markii uu doob saxaroole ku war bixiyay bay Gobaad oo hadalkiisa maqlaysay kor u soo qeylisay, iyada oo leh “War anigu jin maahi, war anigu jin maahiye i caawiya gabar insaan ah oo walaashiin ah baan ahaye”.

Odaygii iyo labadii wiilba, markii ay codkaasi maqleen bay qalabkoodii dagaalka hoos u wada dhigeen, odaygii baana cod naxariis leh ku yiri “Maandhaay bal bannaanka u soo bax aan is wareysannee, maxaa keligaa howdkan cidlada ah ku dhex dhigay?”.

Gobaad dhan wey ka faraxday oo waxay heshay, dad duurkii ay soo jafeysay wehel uga noqda, dhanna wey ka naxsan tahay oo maryaheeda jeex jeexan iyo qaawanida korkeeda ka muuqata, ayaa ku ah ceeb aanay ragga la soo hor istagi karin, waxaanay si miskiinnimo ah u tiri “Adeer macaane, ma idiin soo bixi karo oo cawradayda, ayaa bannaanka taal oo dhar ma haysto afar caana maalna howdkan, ayaan dhex joogay oo dhirtii qodxaha lahayd ee aan soo dhex jibaaxayay baa maryihii iga soo reebtay, hilifka yare aan hadda guntanahayna wuu iga jeex jeexan yahay, ee bal i cawra tira, haddii aad awooddaan!”.

La soco qeybaha kale

W/Q/ Barbaariye Bashiir Cali Xuseen

SHEEKOOYIN