Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

BEN CARSON Q-4AAD W\Q. Cali M. Diini

BEN CARSON Q4AAD

Waxa ay inoo joogtay Ben Carson oo Maktabaddii tagay kaddib 2 buug soo qaatay.

Ben waxa uu bilaabay in uu buugtii akhriyo dabadeedna qoro 2 qormo kaddib hooyadiis u geeyo. Hooyadiis waxa ka dalbatay Ben iyo walaalkiis in ay hooyadood ku dul akhriyaan qormooyinka ay soo qoreen. Ben oo ka hadlaya waxa uu yiri “marka aan hooyo u akhrinno waxa aan soo qornay ayay inta waraaqaha naga qaaddo oo eegeegto dib noogu soo celin jiray. Waayo dambe ayaan ogaannay in aysan hooyo akhrin karin qoraalka, sidaas darteed ayay u rabtay in ay u akhrinno. Hooyo iskoolka ilaa fasalka 3aad ayay ka gaartay, marka ma aysan lahayn awood ay buug ama qormo ku akhriso.”

Ben Carson sidaas ayuu ku bilaabay in uu asbuuc walba maktabadda 2 buug uga soo qaato kaddib akhriyo kaddibna 2 qormo ka qoro kaddibna hooyadiis ugu akhriyo. Muddo yar kaddib Ben aad ayuu isku beddalay. Waxaa kordhay fahamkiisi, waxaa kor u kacay darajadiisi iskoolka. Macallimiintii ayaa dareemay isbeddalka Ben ku dhacay. Ben waxaa si fiican u bartay shaqaalihii maktabadda oo billaabay in asaga oo aan imaan ay buugaag ay is leeyihiin wuu xiisaynayaa ay meel u sii dhigaan. Ben markii hore waxa uu akhrin jiray buugaagta ku saabsan xayawaannada oo kaliya balse markii dambe ayuu bilaaabay in uu akhriyo buugaag kala duwan sida sayniska, xisaabta, taariikhda iyo kuwa kale oo badan. Ben Carson waxa uu bilaabay in uu soo aruursado dhagxaan uu magacyadooda iyo samayskoodaba buugaagta ka bartay.

Ben oo ka hadlaya sida ay isku beddashay aqoontiisu waxa uu yiri maalin ayaa macallinkeenni sayniska ee fasalka 5aad fasalka soo galay asaga oo gacanta ku sita dhagax madow. Kaddib inta uu dhagixii kor u taagay ayuu “ma jiraa qof garanaya waxa uu yahay?” Isla markiiba waan fahmay in dhaguxu yahay “Obsidian” balse waan aamusay oo gacanta ma aanan taagin. “Inkasta oo aan wax badan ka bartay buugaagta aan akhriyo haddana weli ardaydu waxa ay ii yaqaanneen “damiinka” fasalka, maadaama aysan ogayn buugaag akhriskayga.” Ben waxa uu yiri hal qof oo ardaydii ka mid ahi waa sheegi waayay magaca dhagaxa macallinku keenay. Ugu dambayn markii la waayay qof ka jawaaba ayaan ka gacanta taagay, markaas baa hal mar fasalkii dhammaa i soo eegay ayaga oo qaar ardaydii ka mid ah dhahayaan “fiiriya! Fiiriya! Ben Carson baa gacanta taagay! Maanta waa maalin qosol leh!” Macallinkeenni Jaeck oo yaabban ayaa yiri “haye Ben”. Markaas ayaan dhahay “dhagaxaani waa obsidian. Hal mar ayaa fasalkii dhammaa aamusay “shib!.”


“Haa waa sax! Waa obsidian,” ayuu macallinkii yiri. Macallinkii ayaa haddana arday su’aalay “yaa wax iiga sheegi kara dhagaxa obsidian?” sidii hore oo kale ayaa la waayay qof ka jawaaba. Markaas ayaan bilaabay in sharraxo waxa obsidian yahay: obsidian is formed after a volcanic eruption. Lava flows down, and when it hits water, there is a super-cooling process. The elements coalesce, forcing out the air . And the surface glazes over.” “Haa waa sax,” ayuu macallinkii yiri. Dhammaan ardaydii iskoolka afkalaqaad iyo yaab ayaa ka soo haray, waa ay rumaysan waayeen in damiinkii iskoolku dhagax aysan waligood maqal sidaas faahfaahsan u sharraxo. Markii macallinkii casharkii dhammeeyay ayuu igu codsaday in aan galabta xafiiska ku soo maro. Markii aan xafiiska ugu tagay waxa uu ii sheegay in uu maqlay in aan dhagaxaanta xiiseeyo aanan aruuriyo. Waxa uu igu casumay gurigiisa. Macallinku waxa uu gurigiisa ku lahaa beer yar oo xayawaannada lagu xannaaneeyo oo aan iskoolka kaddib maalin walba tagi jiray waxna ku baran jiray. Maalintaas kaddibna macallin Jaeck waxa aan noqonnay labo saaxiib oo aad isugu dhow wax badanna oo sayniska ku saabsanna waan ka bartay.

Maalintaas sheekada dhagaxa kaddib waxa aan bilaabay in aan akhriyo buugaagta ku saabsan dhammaan maaddooyinka aan iskoolka ku qaato. Waxa aan joogteeyay akhrinta buugaagta daqiiqad firaaqo ah haddaan helo buug ayaan akhriyaa xattaa markaan baska saaranahay ama baabuurka buug ayaan ku fooraraa. Marka saaxiibbaday aan isku fasalka nahay meelaha ciyaarayaan anigu buug akhris ayaan u fadhin jiray ilaa ay markii dambe ii bixiyaan “Bookworm.” Markii aan fasalka 7aad bilaabay kaddib waxaa noqday ardayga ugu darajo sarreeyo maaddo walba. Ardaydii horay iigu bixiyay damiinka fasalka waxa bilaabeen in saaxiibbo i la noqdaan ayna aniga i waydiiyaan mas’alooyinka ay garan waayaan.

Hooyadey marka ay aragtay so akhrisku inoo beddalay ayay bilowday i dhahdo “hadda ayaa wiilashaydu waddadii guusha cagta saareen.” Ben hooyadiis iska oo aysan jaanis u helin in ay waxbarato haddana waxa ay ogayd in waxbarashadu tahay tan guusha lagu gaaro. Guryaha dadka ladan ee ka shaqayn jirtay waxa ay ku aragtay in dadka ay u shaqayso in waqtigooda ku lumin daawashada talafishinnada ee mar walba wax akhris ku jiraan. Markaas ayay ogaatay in sababta ay guusha ku gaareen tahay akhriska. Waana taas sababta ay wiilasheeda wax akhriska ugu dhiirragelin jirtay.

La soco Q5aad haddii Eebbo idmo

W\Q; Cali M. Diini

SHEEKOOYIN