Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Faallo: Aragtidayda Buugga Dhimaal Dhaqan| W/Q: Xuseen M. Cabdulle ‘WADAAD’

Faallo: Aragtidayda Buugga Dhimaal Dhaqan| W/Q: Xuseen M. Cabdulle ‘WADAAD’

Qoronaha: Dhimaal Dhaqan
Qoraha: Abwaan Bashiir M. Xersi
Daabacaadda: Laashin
Sanadka: 2023
Bogagga: 202 bog
Hordhaca: Prof. Maxamed A.Eenow
Cutubyada: 21 cutub.
Jaldiga: Daa’uus Advertising Agency

Buuggii 1aad ee Abwaan Bashiir ‘HILAADIN’ daabacaaddi laashin 2017, waxa uu ahaa buuggii 1aad oo ay daabacday laashin, Dhimaal Dhaqanna waa buugga hadda ugu dambeeyay oo ay laashin daabacdo.  Sanadguuradii 9aad oo 01.09.2023 la qabtay ayaan ku xusnay. Waa nasiib iyo fursad qaali ah oo uu helay Abwaanka.

In wax la qoraa ma sahlana, haddana in qoraal mug iyo miisaan leh sida Dhimaal-dhaqanna kumaba sii jiro. Labada Buug ee Abwaankuba waa buug si qurxoon oo tifreebban loo ablaableeyay. Ablaablayntaasuna ma uun ahayn iska xarxarriiq oo waxa ay huwanayd aragti abwaan oo qoto dheer oo huwanayd xilkasnimo. Middaas oo abwaanku buuggan  inoogu ifinayo. Waa iftiimin aan caad saarayn.

Magaca buugga, waa laba eray oo samaynayo micno mug leh oo taban (Selbi)ah. Waa Dhimaal: nusqaan: dhimman iyo micnoyaal kale oo aad wada garan kartaa.

Dhaqan: waa hanti maaddi iyo micnawi ah oo ummadi leedahay. Dhaqanku, waa midka haga qofka ama bulshada, kuna riixayo in ay u qumaan isaga, iyaga oo aan ka weecweecan.

Ilaalinta Dhaqanku, waxa uu noqonayaa waajib innagu wada riixayo gudashadiisa, haddii aan ka leexanno waxa aan noqonaynaa ummad aan marjac iyo lahayn meel loo laabto oo xalka laga doono.

Dhaqanku, waa waxa ugu mugga wayn oo ummadi uga soocan tahay ugana hormarsan tahay ummad kale. Waa middaas midda ay ila tahay in ay ku riixday Abwaan Bashiir in uu khaladaadka bulsho oo dhaqan ahaan aan u yeelannay innooga digayo, xaqiiqda halka xun aan taagannahay iyo sida keliya aan uga bixi karnana inoogu muujiyay.

Waa 21 cutub oo mid kastaahiba kaligii laga qori karo buugaag, siyaabo kala duwan loo kala aslay.

Waa hubanti in qof kastaa oo xittaa jalleeco cinwaannada buugg ka helayo wax badan oo durbadiiba saaqo maankiisa, kolka uu sii dhex mushaaxana waxaa u soo baxayo qaab gudbinta qurxoon oo si fudud aad u liqliqi karayso. Waa hab loo adeegsaday cilmiga la yiraa (Cilminafsi tarbawi) Educational psychology. Waxa uu adeegsaday qoraagu metodyada iyo hababka waxbaridda kuwooda ugu tayada sarreeyo.

Kolka aad si mug leh u sii bacleesho, maankana sii faaqiddo waxa aad arkaysaa wax aad fahmi karto, haddana aadan si qurxoon u tilmaami karin uu farta ku godayo qoraagu. Far ku godid keliya maahan kuu taxliilinayo maxaa naga khaldan?

Haddii aadan garan waxa kaa khaldan ama aad ka ilduuftay haddaadan garan, waa ma dhacdo (Mustaxiil) in aad heshaa xal waara oo aad ku faraxdo.

Buugga Dhimaal-dhaqan, waxa uu innoo taxliilinayaa maxaa innaga khaldan oo aan hore ugu socon la’nahay? Si aan u garanno waxa innaga khaldan maxaan u baahannahay?
Haddii aad rabno in aan ka jawaabno su’aalahaas iyo kuwa kaloo ciidda ka badan oo ka soo dhex baxayo buugga, waxa aan u baahannahay in aan la nimaad geesinnimo aan wax ku sixi karno, haddii middaasi la waayana waa uun halkaaga yuurur oo ku sug inta dhurwaayadu kugu ruugaan goobtaada.

Dhimaal-dhaqan, waxa uu inoo ifinayaa sidii aan ku heli lahayn geesinnimo nagu hagi karto aqbalaadda waaqica iyo u qumidda halka dantaynu jirto oo aan hadda isla qirayno in aan ka ilduufsannahay.

In aan islaqirno iinteenna iyo khaladkeenna waxa aad ka dhex dhugan kartaa Buugga Dhimaal-dhaqan.

Waxa aan ku talinayaa in la aqriyo, si dhug iyo maan ahna loo dhuuxo waa hubanti in aad ka dhexheli doontaan inta yar aan tilmaamay iyo kuwa aan ku talagalka kuugu qarshay oo aad adigu maqaalinta kula soo bixi doonto.

W/Q: Xuseen M. Cabdulle ‘WADAAD’ Guddoomiyaha Mareegta iyo Madbacadda LAASHIN
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN